Waxyaabihii shirka Garowe fashiliyay – Saacadihii ugu danbeeyey maxaa dhacay?

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii Wadatashiga ee ka socday magaalada Garoowe ayaa fashil ku soo dhamaaday kaddib markii la isku mari waayey arrimaha Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hor dhigay Dowladda Federaalka ah qorshe uu ku doonayey in aan lasoo fara gelin doorashada ka dhici doonta maamulka Jubbaland dhamaadka sanadka, halka Dowladda Federaalka ah oo dooneysa in ay meesha ka saarto Axmed Madoobe ku adkeysatay in la raaco habraac ka duwan kan uu soo jeediyay oo galangal muuqda siinaya beesha caalamka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu dadaal ku bixiyey sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweynaha Jubbaland in uu ka tanaasulo qodobkaas, maadama go’aanka u danbeeya ee doorashadaas ay leeyihiin dadka deegaanadaas, isagoona tusaale u soo qaatay doorashadii ka dhacday Puntland ee isaga lagu doortay.

Mowqifka Madaxweynaha Puntland uu ka istaagay aragtidii iyo soo jeedinta Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhalisay dood kulul oo sababtay in shirka lagu kala kaco, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland uu ka gaabsaday in uu dib ugu soo laabto mar kale shirka.

Axmed Madoobe oo markii hore ka carraysnaa faro-gelin uu rumeysan yahay in dowladda ku sameeneyso doorashada Jubaland, ayaa waxa uu shirka ka baxay markii ilaalada musharax Cabdi Naasir Seeraar iyo ciidamada Jublanad ay isku rasaaseeyeen garoonka Kismaayo, isaga oo dowladda ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay arrintaas.

Masuuliyiin lagu kalsoonaan karo oo u dhuundaloolay wadahadallada socday ayaa tilmaamay in mowqifkaas oo ay ka mideysanaayeen madaxweyneyaasha uu xilka kasii dhammaanayo ee Galmudug iyo Jubbaland uu carqalad ku noqday heshiisyada lagu doonayey in lagu xoojiyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, amniga, dib u eegista sharciyada doorashooyinka iyo qaybsiga khayraadka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna istaagay mowqif kale oo aad u adag markuu soo jeediyay in muddo xileedkiisa looga hadlo shirkan, halka Federaalkuna ay ku jawaabeen in ay tahay inuu wadahadal la furo guddoomiyaha baarlamanaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, si arrintaan xal looga gaaro.

Xaaf ayaa sidoo kale diiday muddo kordhin hal sano ah oo dowladda u ogolaatay si xal loo gaaro, hase yeeshee wuu diiday wuxuuna dalbaday in la xitiraamo heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlu-Sunna, kaasi oo haddii la raaco u ogolaanaya inuu kursiga ku fadhiyo ilaa 2021.

Sir ma aha in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee ka soo horjeeda madaxweyne Xaaf ay taageero ka helaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, isla markaana dhowr jeer la isku dayay in madaxweyne Xaaf xilka laga tuuro.

Waxaa hadda billaaban doonaa dagaal adag oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada Jubaland iyo Galmudug, waxaana wararku sheegayaan in madaxda federaalka ay ka go’an tahay inay meesha ka saaraan Axmed Madoobe iyo Xaaf, ayaga oo u maraya hab kasta oo macquul ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com