25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Amar cusub oo lagu soo rogay hoteelada Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska Booliska magaalada Jowhar ayaa amaro cusub kusoo rogay dhamaan hoteelada ku yaala magaalada Jowhar, amaradaasi oo lagu sheegay iney qeyb ka yihiin xaqiijinta amaanka magaalada Jowhar.

Geele Isaaq Warsame, taliye ku xigeenka saldhiga magaalada Jowhar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amarkaasi ay isla garteen taliska nabad sugida iyo ciidamada booliska ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, si loo xaqiijiyo amaanka  magaalada Jowhar.

Geele, wuxuu sheegay in amaradaasi loogu talo galay iney dhaqan geliyaan maamulada Hoteelada ku taala magaalada Jowhar, maadaama labadii bilood ee ugu dambeysay ay dhaceysay dad badan oo laga shakiyay  lagu arkayay magaalada.

Amaraada waxaa kamid ah: In hoteelada ay diwaan geliyaan dhamaan dadka degaya hoteelada magaalada Jowhar.

In Warqadaha Fomka ah ee laga buuxiyo dadka hotelka dagaya la geeyo saldhiga magaalada Jowhar.

In dhamaan maamulayaasha hotelada Jowhar ay dhaqan geliyaan amaradaasi.

Ugu dambeyn Geele Isaaq ayaa sheegay in amaradaasi ay doonayaan iney dhaqan galiyaan dhamaan hoteelada magaalada, haddii aysan dhaqan gelinna wuxuu sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News