Xog: Ajaaniibta ku sugan deegaanada Puntland oo qax bilaabay kaddib markii la ogaaday inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Hay’adaha beesha caalamka ka joogay deegaanada Puntland ay bilaaben inay isaga baxaan deegaanada maamulka.

Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha gargaarka ee ka howlgala deegaanada Puntland oo ka cabsi qaba inay saameyn ku yeelato duufaanada Chapala oo laga cabsanaayo inay saameyn ku yeelato deegaano farabadan oo aan horay loo sheegin.

Saraakiisha Hay’adahaani ayaa maciin baday inay si KMG ah ugu sii sugnaadan dalka Kenya muddada ay socto duufaantaasi, sida aan xogtu ku heleyno.

Duufaantaani ayaa iminka dhibaato farabadan ka geysatay Deegaanka Bareda iyo Tooxin ee bariga Puntland waxaana la soo sheegayaa in burbur uu soo gaaray guryihii xeebta saarnaa oo ay biyaha soo galeen, iyadoo la sheegay in tobaneeyo doonyo yar yar ee kaluumeysiga ay halkaasi ku burbureen.

Illaa iyo hada majiraan wax dhaawac ama dhimasho ah oo laga soo sheegay deegaanada Puntland oo ay duufaanta Chapala gaartay.

Dhanka kale, awooda duufaanta Chapala ayaa sababtay in nawaaxiga xeebta Qandala ay ku degtay dooni laga leeyahay dalka Iran halkaasina gurmad loo diray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com