Dhageyso: Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo ka hadashay arrinta badda iyo qorshe cusub…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Amb. Amina Maxamed ayaa bixisay wareysi dhinacyo badan taabanaya, waxa aanay sheegtay in Somalia iyo Kenya aay yihiin deris uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo soo jiraan ah.

Mar wax laga weydiiyay arrimaha laysku haysto ee Badda Soomaaliya ayey sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya aay ku dhameysan doonaan xalkooda wada xaajood iyo is afgarasho, waxa aay intaa ku dartay in Maxkamaddu aanay muhiim ahayn lagana noqon karo markii la doono.

Soomaaliya waxaan u sameynay axsaan badan, oo waxaan weli haynaa qaxooti ka badan nus malyuun ayey tiri.

Waxaa isi soo tarayo tuhunka laga qabo in madaxda Soomaaliya aanay daacad ka ahayn arrinta badda oo lagu tuhusan yahay in aay mar hore go’aan laga gaaray laakiin shacabka loo dhigayo ruwaayad.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku casuumay RW CCC magaalada Nairobi Khamiista soo socoto, iyadoo lagu wado in la soo af jaro muranka Badda.

Waxaa iyana ku sugan magaalada Nairobi gabadha qareenka u ah DFS Muna Al Sharmaan oo iminka deggan hotel Kampinski oo aay marti ugu tahay dowladda Kenya. Waxaan isku daynay in aan wax ka weydiina kiiska badda mar aan ku booqday hotelka. Muna ayaa ka gaabsatay in aay ka hadasho kiiska Badda.

Halkan ka dhegeyso wareysiga Amb. Amina Maxamed.