25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Amiir oo ballan qaaday dhismaha qayb ka mid ah safaaradda Somalia ee Masar

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo haatan ku sugan magaalada Qaahira ayaa booqasho ku tegay safaaradda Somalia ee Masar, isaga oo sameeyay ballan qaad culus.

Duqa Muqdisho iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxaa ugu horreyn safaaradda si diiran ugu soo dhaweeyay Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Masar Amb. Cali Cabdi Awaare, kaas oo sidoo kale uga warbixiyay xaaladda ay ku shaqeyso safaarada iyo baahyaha ka jira oo ay ugu muhiimsan tahay dib-u-dhiska iyo dayactirka hoolka shirarka ee safaarada.

Intaasi kadib guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu dabooli doono baahida ay qabto safaaradda, oo ay ugu horreyso xagga dhismaha, gaar ahaan hoolka shirarka ee ay haatan u baahan tahay.

Duqa Muqdisho ayaa guddoomay warqadaha qiimeynta qarashka ku baxaya dib u dhiska hoolka shirarka ee safaarada, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doonno.

Dhankiisa Danjire Awaare oo mar kale hadalka qaatay ayaa u mahad-celiyay guddoomiye Amiir, waxa uuna tilmaamay in safaaradda aysan iloobi doonin taageerada duqa magaalada Muqdisho ee ku aadan dhismaha hoolka shirarka ee ay u baahan yihiin.

Amiir ayaa sidoo kale kulamo la qaatay howlwadeennada safaaradda, isaga oo ku bogaadiyay shaqada ay u hayaan qarankooda, wuxuuna kula dardaaramay in ay sii laba jibaaraan.

Duqa Muqdisho ayaa safarkiisa waxa uu la xiriira howlaha shaqo, waxaana la filayaa in kulamo la yeeshay madaxda Masar, gaar ahaan mas’uuliyiinta dhiggiisa ah ee dalkaasi.

Si kastaba ahaatee ballan qaadka uu sameeyay Amiir ee la xiriira dhismaha qayb kamid ah safaaradda Somalia ee Masar ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad adag oo ka dhalatay roobabkii habeen hore ka da’ay gudaha caasimada.

- Advertisement -

Read more

Local News