Amism & Nabad Sugid oo loo dalbaday dagaalada Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ee ka dhacaya deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dagaalo ku salaysan qabaa’ilka ay ka soo cusboonaadaan gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaaladaasi ay soo xusuusiyeen xiligii sagaashamaadkii xiligaasi oo uu sheegay in dagaalada dhanka qabaa’ilka ay ka dhici jireen gobolada kala duwan ee dalkeena Soomaaliya.

Dagaalka ayuu sheegay inuu salka ku hayo lahaanshiyaha dhul beereed wallow markii dambe uu sheegay Mr Sidii inuu isku badalay dhanka siyaasada taasi oo keentay in dad badan ay ku dhinteen dagaaladaasi.

Dagaalkii Shalay ayuu cadeeyay inay ku dhinteen ku dhawaad 12 ruux, iyadoo tirada guud dadka ku dhintay dagaaladaasi ay gaarayaan ku dhawaad 26 ruux, kuwaasi oo ka kooban dhinacyada ku dagaalamaya gobolkaasi.

C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya ciidamo badan oo Nabad sugid ah iyo ciidamo badan oo AMISOM ah, si loo kala dhexgalo ciidamada kala matalaya beelaha Habar-gedir iyo Biimaal ee ku dagaalamaya Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com