AMISOM oo arrin fool-xun ka geysatay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Mid kamida gaadiidka Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa si bareera u jiiray wiil dhalinyaro ah.

Wiilka la jiiray ayaa da’diisa lagu sheegay 18jir waxa uuna xiligaa ku sugnaa Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Gaariga ayaa la sheegay inuu dusha ka maray wiilkaasi, waxa ayna dadka deegaanka xaqiijiyeen inuu u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in xiliga ay wiilkan jiirayeen gaadiidka AMISOM uu ku howlanaa sameynta gaari uu kirishbooy ka ahaa oo ku sugnaa Isgooyska Sanca.

Ciidanka AMISOM ayaa Gaarigii jiiray wiilkaasi waxa ay ula dhaqaaqay xarumaha baarista Ciidanka Dowladda Federaalka, si loola xisaabtamo.

Dadka deegaanka ayaa falkan waxa ay ku tilmaameen mid arxan daro ah, oo naxdin iyo qaraqan ku reebay, waxayna sheegeen in aysan u dulqaadan doonin dhibaatada Ciidanka AMISOM ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com