Arrin mucjiso ah oo lagu arkay guri ku yaalla magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani ayaa ka dhacday Xaafada Kaawa Godeey, oo ku taalla Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, kadib markii halkaasi lagu arkay dad aan muuqan oo duulaan joogta ah ku qaada qoys degan guri ku yaalla Xaafada.

Dadka ku nool Xaafada ayaa warbaahinta u sheegay in dhagxaan iyo Baangado lagu weeraro guri ku yaalla Xaafada Kaawa Godeey.

Cabdiqaadir oo ka mid ah dadka dariska la’ah guriga ay dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in Kooxo aan loo jeedin ay dhibaato ku hayaan dadka dagan guriga.

Waxa uu sheegay in qoyska gurigaasi degan lagu weeraro dhagxaan iyo Baangado, hadana uusan jirin dad muuqda oo falka weerarka ah ku qaadaya guriga.

Waxa uu sheegay in Kooxdaasi xiliyada qaar ay gubayaan alaabta taal guriga, waxa uuna arrintaani ku sheegay mid mucjiso ku noqotay dadka deegaanka.

Cabdiqaadir, waxa uu intaa ku daray in goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan dowlada oo markii hore maleynaayay inay dagaalamayaan laba qoys, balse Ciidanka qudhiisa lagu qaaday weerar loo adeegsaday dhagxaan iyo Baangado.

Goobta lagu weeraray Ciidamada ayuu sheegay inaanu ku sugneyn wax shacab ah, hadana ay aad ula yaabeen weerarka ku socda oo aan la garaneynin cida qaadeysa.

Waxa uu intaa raaciyay in dhagxaanta lagu soo tuuro ay marka hore u muuqaal eg yihiin Shimbir buubeysa, balse markii danbe ay isku bedelayaan dhagxaan.

”Gudaha marka aad u gasho guriga waxa ay indhahaaga qabanayaan Sariiro iyo firaash dhowr ah oo holcaaya” hayeeshee aanu kuu saamaxeynin inaad kusii jirto guriga.

Dhinaca kale, waxa uu Cabdiqaadir sheegay in arrintaani ay tahay mid socotay muddo 4 bil, waxa uuna carab dhabay in qoyska degan gurigaasi xiliyada habeenkii ay u hoydaan deriska, halka maalintiina ay yihiin kuwo ku sugan guriga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com