Agaasime Bahlaawi oo diidan inuu wareejiyo xilka uu u hayay wasaarada warfaafinta

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Somalia, kadib markii maanta xilka laga qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi.

Warbixin ay qortay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Wasaaradu ay tahay mid ka dhex taagan xiisad, waxa ayna tilmaantay in Agaasimaha xilka laga qaaday uu diiday inuu baneeyo xafiiska.

Agaasimaha ayaa ku doodaaya inaan laga qaadi karin xilka, waxa uuna sidoo kale cadeyn ka dalbanayaa Wasiirka oo isagu ku eedeeyay inuu ku kacay Musuq-maasuq baahsan.

Bahlaawi ayaa diidan inuu ka dhex baxo Xafiiska isla markaana wareejiyo xilka, isagoo arrin aan la aqbali karin ku sheegay shaqo ka joojinta lagu sameeyay.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Somalia C/raxmaan Cumar Yarisow ayaa maanta ku eedeeyey Agaasimaha Musuq-maasuq, Sheegeyna in maxkamada loo diri doono si loo baaro masuqa uu ku kacay.

Geesta kale, Bahlaawi ayaa xilkaasi hayay mudo ku dhow 20 sano waxaana xusid mudan inaan laga qaadin xilkaasi mudada uu hayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com