25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

AMISOM oo ballanqaad hor leh heshay xilli la filayey inay Soomaaliya ka baxdo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhawaaqay inuu laba sano gudahood ciidamada AMISOM uga saari doono Soomaaliya ayaa waxaa soo baxday ballan qaadyo cusub oo loo samaayey howgalka Midowga Africa ee Sooomaaliya.

AMISOM ayaa ballanqaad rasmi ah ka heshay dowladaha deeq-bixiyaasha ah si ay dhaheyn loo taageero guulna looga gaaro waxa ay ugu yeereen argagixisada Soomaaliya.

Shir qaatay shan maalin oo ka dhacay Caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa laga soo saaray ballan-qaadkaas waxaana shirkaas ka qeybgalay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo wadamada loo yaqaan ACCORDO.

Bruan oo shirkaas ka hadlay ayaa ka dhawaajiyey in midowga Yurub ay sii wadayaan taageerada ay u siiyaan dowladda Soomaaliya si halkaas looga helo nabad waarta.

Waxay ka dhawaajiyeen inay howgalka AMISOM ku bixiyeen ilaa 1.3 Billion oo Yuurow ah una dhigmato 1.68 Dollar tobankii sano oo uu howgalkaan socday waxaana kasii saa’id ah lacag lagu sheegay ilaa 2 Bilyan oo Yuurow ah taasoo ku baxday qalabeynta ciidamada sanadkii 2007.

Mar.  Bruan ayaa ugu dambeyntii shaaciyey inay bisha April – December howlgalkaas ku bixin doonaan ilaa 180 Milyan oo Euro  ah taas oo uu sheegay inay caddeyn u tahay sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News