Immisa lacag ah ayey gaareysaa hantidii ku gubatay dabkii suuqa Bakaraha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa dab weyn qabsaday suuqa hantida ugu badan ee soomaalida ay taalo ee loo yaqaan Bakaaro kadib markii uu xilli dambe oo habeenkii ah dab ka kacay oo aan weliba la ogeyn sababta keentay.

Haddaba waxaa isweydiin mudan hanti intee la egtahay ayaa ku gubatay suuqa Bakaaraha waxaana arrintaas war saxaafadeed kasoo saaray Guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabdinaasir Cali Maxamed, oo ah Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Banaadir, oo la hadlay warbaahinta gudaha magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dabkii dhawaan qabsaday Suuqa Bakaaraha uu geystay Qasaaro lixaad leh.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey inta ay la eg tahay hantidii halkaas ku dhamaatay ayaa ka dhawaajiyey inay gaareyso  $4 Milyan oo lacagta mareekanka ah.

gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale oo Suuqa booqday maalintii uu dabka ka kacay ayaa ka dhawaajiyey in sababta ugu weyn ee keento inuu dabka qasaaro u geysto suuqa ay tahay jidadkiisa oo inta badan xiran taasoo aysan u suurta geli karin inay usoo gurmadaan gawaarida dab damiska.

Sidoo kale warar kale oo soo baxayo ayaa sheegayo in laga yaabo inay hantida intaas ka badan tahay waxaana la qiyaasayaa inay gaari karto ilaa 5 Milyan oo Dollar maadaama ay halkaas ku dhamaadeen goobo ganacsi oo waaweyn.

Qubaro ka tirsan dadka falanqeyo dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey inay keeni karta hantida intaas la eg ee burburtay niyad jab iyo dhaqaalo xumo ku dhacdo wadankaan oo markii horeba la daalaa dhacaayey dhibaato dhaqaale.

Suuqa Bakaaraha waa meesha ugu badan oo ay ku tiirsan tahay nolosha Soomaalida waxaana taala hantida ugu badan waxaana inta badan dhacdo inuu gubto iyadoo aan weli la ogaan sababaha markasta keeni dabkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com