Xog: Farmaajo oo Xasan Sheekh la kaashanaya arrimo muhiim u ah Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dib usoo celinaayo xiriirka Somalia kala dhexeeyay Dowladaha hormarsan ee garabka u ahaa Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegay in dib usoo celinta xiriirkaasi uu la kaashanaayo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga horay u qabyeeyay Heshiiska lagu soo celinaayo Xiriirka Dowladahaasi.

Dowladaha dib loo soo celinaayo xiriirkooda ayaa la xaqiijiyay inay ku jiraan Dowlado dhowr ah oo dhaca qaarada madow ee Africa, Asia iyo Dowlado kale oo reer galbeedka ah, kuwaa oo xiligii hore saaxiib dhow la ahaa Somalia.

Dowladahaasi qaar kood ayaa dalabyo la dhixiira dhanka soo nooleynta xiriirka la sameeyay Madaxweynihii laga guuleysta Xasan Sheekh, hayeeshee waxaa la sheegay in Dowladaasi ay dhacday iyadoo aan wax ka qaban dalabyadaasi kaga imaaday Dowladaha xiriir doonka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wali u taagan in Madaxweynihii hore uu la kaashto waxyaabaha horumarka u keenikara Somalia, waxa uuna si gaara kala tashanayaa arrimaha ku xeeran xiriirada Dowladaha saaxiibada la ahaa Somalia iyo Siyaasada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxbadan ka duwan Madaxweynayaashii hore waxa uuna dhowr jeer sheegay inuu ka faa’iideysanaayo Mas’uuliyiintii ka horeysay ee dalka soo gaarsiisay heerka uu iminka taagan yahay.

Dhinaca kale, Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in bilaha nagu soo aadan lagu soo gabagabeeyo dhismooyin ay si gaara u yeelan doonaan Safaarada Dowladaha Shisheeye kuwaa oo loo diyaarinaayo Dowladaha xiriirka la leh Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com