Amisom oo ka digtay dagaal ka dhasha aqoonsiga C/Weli & diidmada Hawiye

Muqdisho ( Caasimada Online) – Tan iyo markii waxgaradka iyo madaxda beelaha Hawiye ay diideen aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay siisay maamulka seddexda gobol ee koofur Galbeed ayaa AMISOM waxay ka hadashay arimo ka dhalan kara siyaasada is diidan ee haatan taagan.

Amisom, ayaa ka cabsi qabta cawaaqib xumo ka iman karta aqoonsiga uu Cabdi Weli siiyey maamulka saddexda gobol iyo diidmada Beelaha Hawiye, oo kasoo horjeeda in gobolka ay degaan ee Sh/Hoose  la raaciyo gobolo kale.

Saraakiisha sare ee AMISOM ayaa soo saaray digniin ku aadan in amni daro ay ka dhalato aqoonsigii siyaasadeed ee dowlada Soomaaliya ay siisay maamulka seddexda gobol ee koofur galbeed Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa sheegay inay ka digayaan dagaal ka imaan kara qulqulatooyinka siyaasadeed ee ka jira dalkaSoomaaliya waxii ka dambeeyay markii Shabeelaha Hoose lagu daray maamulka 3-da gobol ee Koofur Galbeed.

Wuxuu sheegay inay maqleen oo ay ka warhayaan muranka ka  jira dalka Soomaaliya, wuxuuse sheegay in iyaga mar walbaa ay yihiin dad doonaya nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.

“Ciidanka Amisom wax si gaar ah uquseeyo ma’ahan laakiin nabadgalyo la’aan ayeey keeni karaan khilaafaadka Siyaasadeed Amisom talada Dowladda ayeey garab joogta marwaliba, inagu shaqadeena waa ammaanka inaan ka fekernaa”Ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Amisom.

Wuxuu beeniyay in ciidamada AMISOM ay la safan yihiin mid kamid ah maamulada ka dhisan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isagoo sheegay in taasi aysan dhici doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu xaqiijiyay in mar walbaa ay iyaga taageersan yihiin mowqifka dowlada Soomaaliya ay ka qaadato marxaladaha ka jira dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com