Siilaanyo oo u jawaabay Xasan Sheikh

Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo ayaa ka hadlay munaasabadda 26-ka June oo ah markii ugu horreysay oo calan Soomaali ay lee dahay laga suray g0balada waqooyi sannadkii 1960-kii.

Siilaanyo ayaa saxaafadda ummadda Somaliland ugu hubambalyeeyay munaasabadaas balse wuxuu sheegay siddii loo helay xoriyada iyo sidda ay ula midoobeen walaalahood Soomaaliya in loogu badalo in la dhibaateeyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku celiyay in hadal uu horrey u sheegay oo ah in Somaliland ay tashatay isla markaana aaney diyaar u ahayn in markale ay la midowdo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay jecel yihiin in ay si walaaltinimo leh ay u wada noolaadaan labada shacbi.

Si kastaba, hadalka madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo aaday iyadoo xaley meelo badan oo Soomaaliya si weyn looga xusay munaasabadda 26-ka June oo ah markii ay xorroobeen gobalada Waqooyi ee la baxay Somaliland sannadkii 1961-dii waana markii ugu horreysay oo calan Soomaali ay lee dahay laga suro gayiga Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagoo xaley ka hadlaayay midnimada Soomaaliya ayaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday dalka aysan umadda Soomaaliyeed ilowsiin doonin taariikhdeenna. “dhibaato waay dhacday waxbadanna way naga qaldameen hasa ahaatee taasi macanaheedu maaha in dhibaataaasi na ilowsiiso taariihdeenna. Wax walba oo dhacay waan ka heshiineynaa Ilaahey idinkiis,Maanta waan ka fusrado badannahay maalintaas, waan ka aqoon badan nahay, waan ka tiro badan, waana ka xoolo badan nahay. Waxa naga haleysan waa siyaasadda, waana tooseeysaa, midnimadiina waa soo laabnaneysaa, waliba si wallatinimo leh iyo is jacayl ayey ku soo laabaneysaa”.

Si kastaba, maamulka Somaliland maalintan qiimo siddaas u buuran uguma fadhido oo waxay ka jecelyihiin oo ay ka doorbideenn 18-ka May oo ah markii ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Somaliweyn balse waxaa sheegis midan tan iyo xilligaas ma helin wax ictiraaf ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com