Puntland: Hadal waa dhamaaday wixii hadda ka dambeeya waa noo dagaaal

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad lagu xusayay 26-ka June ayaa sheegay inaysan mar danbe baaq kasoo saari doonin xaalada Sool balse ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada Somaliland ee Taleex ku sugan.

Hadalka Camay ayaa imaanaya xili si wayn dadka Puntland ay u sugayaan jawaabta ay ka bixin doonto Puntland socdaal wasiiro Somaliland ay maalin ka hor ku tageen degmada Taleex oo ah meel Somaliland iyo Puntland ay isku haystaan.

Waxa uu sheegay inay ka bareeri doonaan wax uu ugu yeeray gardarada iyo duulaanka ciidamada Somaliland ay kusoo qaadeen Gobalka Sool.

‘Waxan lee yahay waxyaabaha loo haqal taagayo ha la iska ilaawo, ma canbaaraynayo laakiin waxaan umadda Puntland u sheegayaa way qeexan tahay siyaasada Puntland ee ku aadan Sool,Sanaag iyo Cayn waana ka bareeri doonaa”.

Wararka laga helayo degmada Taleex ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii ka socda Somaliland, kuwaasoo hadda ku sugan degmada Xudur ee Gobalka Sool lamana yaqaan sababta kaliftay inay dib u ruqaansadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com