Falastiin oo u mahad celisay SOMALIA

Qaahira (Caasimada Online) – Jamaal Al-Shawbaki, oo ah safiirka Dowlda Falastiin u fadhiya dalka Masar, ayaa bogaadiyay go’aannada Somalia ee taageeraya shacabka Falastiin iyo xuquuqdiisa sharciga ah, isagoo tilmaamay in qadiyadda Falastiin ay tahay qadiyadda ummadda Carbeed oo dhan, isla-markaana shacabka Falastiin ay ku faanayaan Carabnimadooda iyo ka-tirsanaantooda ummadda.

Jamaal Al-Shawbaki,ayaa safaaradda Somalia ee magaalada Qaahira kula kulmay safiirka Soomaaliya ee Masar, Cabdalle Xasan Maxamuud.

Kulankan ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday arrimaha gobolka iyo waxyaalihii ugu dameeyey ee ka dhacay deeegaannada dalalka Carabtu ay dhacaan iyo saameynta qaddiyadda shacabka Falastiin.

Sidoo kale, danjiraha Soomaaliya ee Masar Cabdalle Xasan ayaa soo dhaweeyay booqashada uu ugu yimid danjire Al-shawbaki, wuxuu ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magcaabay ee ah safiirka dowladda Falastiin u fadhiya Masar, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysto shaqadiisa, isagoo u xaqiijiyey in Falastiin ay ku jirto qalbiga qof kasta oo Soomaali ah, isla-markaana uu dalku taageerayo xaqa shacabka Falastiin ee dhismaha dal ay leeyihiin oo madax-bannaan oo Qudusta ay tahay caasimaddiisa.

 Caasimada Online

Xafiiska Qaahira

Caasimada@live.com