SOOMAALIA lagu gubay South Africa

Johannesburg (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas lagu gubay afar qof oo ka mid ah Soomaalida ku ganacsada dalkaas.

Dadkan ayaa la sheegay in xilli habeen ah iyagoo ku jirra dukaan-kooda lagu shubay baasiin sidaas waxaa VOA u sheegay Maxamed Shuuriye Rooble oo ka mid ah ganacsadaha leh dukaanka isla markaana qaar ka mid ah ragga ay ehel yihiin.

Wuxuu sheegay in goobta dukaanka uu ku yaallo aaney wax Soomaali ah ama ajnebi ah ka dhaweyn siddaasna loo beegsaday oo laga xumaaday ganacsiga ay goobta ku hayaan.

Dhacadadan ayaa ka dhacday deeganka Danver ee magaalada Johannesburg.

Afarta nin ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu miirdaboolan yahay oo waxaa la dhigay isbitaal siddaas waxaa markale sheegay Maxamed Shuuriye Rooble.

Mar la weydiiyay in cid loo qabtay dhacadadan wuxuu sheegay in ilaa hadda aaney jirin cid u timaaday oo wax ka weydiisay sidda ay wax u dhaceen.

Wuxuu sheegay in dukaanka gabi ahaan uu bas beelay oo wax ka badbaaday aanu jirin.

Wuxuu sheegay in xittaa Safaarada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika aaney la socon dhibaatada ku dhacday dukaankiisa iyo dadka ay ehelka yihiin.

Dhacdooyinkan waa kuwa joogta u ah Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika mana jirto cid ilaa hadda wax ka qabtay haddii dalka xitaa ay ka jirto dowlad rasmi ah oo la aqoonsaday.

Caasimada Online

Xafiika Wararka Pretoria

Caasimada@live.com