Amisom oo ka hadashay sababtii wasiir Maryan loogu bahdilay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa raali galin buuxda ka bixiyay askari ka Tirsan Ciidamadooda oo bishaan Gudaheeda is hor istaag ku sameeyay wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maryam Qaasim Axmed.

Askari ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa ishor istaag ku sameeyay wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumadda Soomaliya Maryam Qaasim Axmed oo doonaysay in ay gudaha u gasho Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, oo xiligaas ay shir kula laheyd Madax Caalami ah balse waxaa u diiday gudaha askariga ka Tirsan Ciidamada AMISOM.

Qoraalka uu Taliska AMISOM oo Soomaliya uu soo dhigay Barta Twitterka ayaa lagu sheegay in arintaas ay tahay mid aad loogu xumaado islamarkaana raali galin buuxda la siinayowasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaliya Maryam Qaasim Axmed, oo dhawaan shaacisay in ay tahay wax aan la aqbali Karin falka lagula kacay.

“Ciidamadeena ku sugan Iridka Hore ee Xarunta Xalane ma fileynin in wasiir uu imaanayo halkaas,waxay mar walba isku dayayeen in ay si wanaagsan u adkeeyeen amniga Xarunta,sidaas darteed ayay ku dhacday arinta”, ayuu lagu yiri warka kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya.

“Waxaan bixineynaa raali gelin buuxda oo aan siineyno wasiirka”ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com