Galmudug oo hub culus ku jeedisay garoonka Gaalkacyo iyo xiisadda oo ka sii dareysa

Galkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa gaadiid dagaal isugu geeyay eeryada Garoonka magaalada Gaalkacyo oo dhawaan ay Puntland shaacisay in lagu sameyn doono dhismo ballaaran.

Maamulka Galmudug ayaa Ciidamo iyo Gaadiid dagaal dheeri ah dhigay dhammaan goobaha ku dhow dhow Garoonka Gaalkacyo waxaana lasoo sheegayaa in Galmudug ay Hubka aadka u weyn ku fooraarisay Garoonka.

Ciidamada Galmudug oo aad u hubeysan ayaa sidoo kale lasoo warinayaa in fariisimo dhowr ah ay ka dhigteen goobaha ku dhow dhow Garoonka, waxaana ujeedka Ciidanka iyo Gaadiidka dagaal lagu sheegay in lagu horjoogsanaayo dhismaha Garoonka Gaalkacyo.

Sargaal ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in xiisada ka dhex aloosan labada maamul ay sababtay in hakat uu ku yimaado duulimaadyada Garoonka iyo in Howlwadeenada Garoonka ay si KMG ah u joojiyeen shaqooyinka ay kawadeen Garoonka.

Sargaalka ayaa sheegay in Garoonka uu yahay mid aan u gaar aheyn maamulka Puntland, waxa uuna tilmaamay inay qalad tahay in Puntland ay u dhaqanto sida ay maankeeda ka maagto.

Waxa uu intaa ku daray inay dajin doonaan Diyaaradii kasoo degta ama ka duusha Garoonka inta xal laga gaaraayo muranka ka taagan dhismaha Garoonka Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaaya warar sheegaya in maamulka Galmudug ay Hubka culus ku fooraariyeen Garoonka Gaalkacyo ee uu muranka ka taagan yahay waxaana Hubkaasi kamid ah qoriga loo yaqaan Suuga.

Caasimada Online
Xafiiska Galkacyo
Caasimada@live.com