25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Amisom oo madfac ku burburisay gaadiid RAYID

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay halkaasi ku gubeen laba gaari oo xamuul ahaa.

Labada gaari ayaa kasoo dhaqaajiyay Magaalada Muqdisho waxa ayna kusii jeeden Degmada buur hakaba ee Gobolka Baay, waxaana si ula kac ah madfac ugu dhuftay Ciidamada AMISOM.

Milkiilayaasha labada gaari oo lagu kala magacaabo Yuusuf Xuseen Aw maxamuud iyo Xasan Maxamuud Macow iyo ganacsade Axmed Xaaji Ibraahim oo looyaqaan saaldo ahaana Milkiilihii lahaa hantida gaadiidkaasi ayaa DF Somalia ka dalbaday in Ciidamada AMISOM ay jawaab ka bixiyaan falkaasi lagula kacay.

Waxa ay ku baaqen in loo mago hantidooda waxa ayna ku doodayaan inaysan ogeyn sababta ka dambeysay in lagula dhaqmo cadaawad heerkaasi gaarsiisan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News