Ergada Cadaado oo ka cabanaya Ax’ed C/salaan!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in Ergooyinka qaar ay xiligaani qaati ka taagan yihiin Musharaxa u taagan madaxtinimada Maamulka la dhisaayo Axmed C/salaan.

Ergada oo midba taageersan Musharax gaar ah ayaa waxa ay Axmed C/salaam u arkaan inuu caqabad ku yahay Ololaha ay isku soo taagayaan Musharaxiinta kale waxa ayna ku waramayaan in Axmed C/salaan uu kala geynaayo Ergooyinka si isaga uu u helo xilka madaxtinimo.

Aadan Maxamuud oo kamid ah Ergada ayaa sheegay in Axmed C/salaan uu Ergooyin dhowr ah ka dhex sameystay shirka kuwaasi oo si gaar gaar ah dhagta ugu waramaayo Ergada kale, waxa uuna taasi ku sheegay inay noqoneyso caqabad hor leh oo kusoo korortay shirka Cadaado.

Waxa uu tilmaamay in goortii uu Axmed C/salaan shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimo ay Ergooyinka lasoo daristay kala fogaansho iyo is aaminaad la’aan taasi oo ka dhalatay go’aanka uu Siyaasiga isku soo taagay.

Gudiga Farsamada shirka Cadaado ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan Ergooyinka tashwiishka ka dhex wada shirka waxa uuna ku taliyay in dadka israba ay banaanyada ku dhameystaan howlahooda oo aysan fasahaadin rajada laga leeyahay shirka.

Geesta kale, Gudiga Farsamada ayuu ku booriyay inay iyaguna dhex dhexaad ka noqdaan Khilaafyada weli taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com