Diintaada ISLAAMKA ma geli karto Gor-gortan !!!

Sociolog Kahin Ahmed (Enow)

Nacaybka loo qabo dadka qaxootiga ah iyo islamka oo sii kordheysa dalalka Europé

Qof kasta oo wariye Somali ah waxa waajib muqadas ku ah in uu wacyi geliyo dadkiisa Somaliyeed, wixii wanaagsana u iftiimiyo, wixii xun ama dhibaatada soo soctana si aqooni ku dheehan tahay ugu iftiimiyo.

Aaway ururadii Somalida ! Aaway Siyaasiyiintii aad siiseen codkiina?

Beryahaan ayaan waxaa maqaalada ugu afka dheer ka soo baxa Sweden ay ka mid yihiin aftonbaldet, iyo Göteborg posten waxay soo daabaceen qoraalo ay soo qoreen naago ajaanib ah oo badan ayaa Eedeyn iyo aflagaado la daba jooga dadka muslimiinta ah iyo weliba somalida. Waxaase u yaab badan cid u jawaabtay ma jirto aan ka ahayn hal maqaal uu qoray Sociolog Kahin Ahmed.

Kahin waxaa uu si kulul u cambaareeyey oo eed kulul dusha uga tuuray, naagahaan aflagaadeynaaya islamka iyo meelaha ay deggen yihiin somalida, Mr Kahin waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa: Nagahaan waxay isku dayayaan in ay faafiyaan been iyo sumcad xumo aan jirin, taas cid ka yeeleysaa ma jirto, miyeysan ogeyn in dalkaan Iswidhan uu ka jiro Sharci Darstuuri ah oo ah Qodobka Xoriyadda Diinta, oo qofka uu xor u yahay diitiisa. Kahin isaga oo qoraalkiisa sii wata ayuu yiri: Maanta waxaan arkaa in uu soo kordhay waxa loo yaqaan (Islamofobi) islam nacaybka. Lakiin waxan idiin sheegayaa in dalkaan mar mar badan ay gubeen kuwa islaamka neceb Masaajido, lakiin nasiib xumo ciidanka poliska iyo haáddaha amniga kuma guuleysan in ay soo qabtaan cidii dembigaas geesatay. Kahin waxa uu yiri, nagahaan caayaya dadka diintooda iyo dhaqankooda, waxaas siyaasad maaáhee waa aflagaado, ee ha ka hadlaan dhibatada shaqo laáanta ee haysata dhainyarada qaxootiga ah. qofkii aqrin kara Luqada iswidhishka ha ka akhristo meeshaan.

http://www.aftonbladet.se/debatt/debattamnen/jamstalldhet/article20897051.ab

Maqaaladaas ay nagahaan sida isbada jooga ah u daabacayeen beryahaan ayaa aad iiga yaabisay oo igu kaliftay in aan qoro maqaalkaan si ay ula socdaan Somalida oo dhan meel kasta ay joogaan, xataa kuwa deggen dalkaan Sweden aan warba ka hayn dagaalka bareer ka ah oo lagu hayo.

Naagta kowaad la dhaho Zeliha Degli, oo sheegtay in ay timid dalka Sweden 30 sano ka hor, ayaa maqaalka la dhaho aftonbaldet-ka ku soo qortay maqaal dheer oo ay leedahay , islaam ayaan ugu soo cararay dalka Turkiga, waxan soo degay magaalada Uppsala ee Sweden, haddana islaamkii ayaa idaba jooga, waan ka cararay islamka oo waxaan u cararay xaafada Rinkeby (Somalida ayaa ku badan); Waxay tiri haddana islaamkii ayaa i daba jooga oo u ceersanaya, waan ka cararay oo waxaan u craray Xaafada Husby, oo deris la ah Rinkeby, oo xafaadaas (Husby) xataa waxa deggen Somali iyo ajaanib kale, waxay tiri islaamkii ayaa weli idaba jooga , meel aan u cararo ma garanaayo, ayay tiri. Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri, meshaan aan joogo maaáha iswiidhantii aan aqaanay, ee tolow mar labaad miyaan qaxooti ahaan isku dhiibaa ! Nagtaas ayaa tiri xaafadaan kuma qaadan karo lebiska ah surweel daba gaab wakhtiga kuleylaha, khamri kuma cabi karo makhaayada ku taal xaafada oo muslimiintaa meesha deggen ayaan indho xun kugu soo fiirinaaya. Hadii aan taqaanid afka iswidhishka ka akhriso hoos , naagtaas qoraalkeedii jaraaídka

http://www.aftonbladet.se/debatt/debattamnen/jamstalldhet/article20877039.ab

Naagta labaad waa naag la dhaho magaceeda Parvin Kaboly, waxay leedahay dhalinyarada qaxootiga ee deggen xaafadaha somalida iyo dadka muslimiinta deggen yihiin , waxay khasbaan caruurtooda iyo gabdhaha in ay u qaataan xijaab oo ay ku dhaqmaan diinta waalidkood oo islamka ah. Naagtaan waxay ku doodeysaa in gabdhaha yar yar in laga dhigo xijaabka, islmarkaas Waxay leedahay sidee ayay dadka iswidhishka ah u ogolaadeen ama ay suurtagal u noqotay in islaamka uu xoog ku yeesho xaafadaha qaxootiga, oo ay somalida deggen yihiin.Naagtaan waxay eed kulul dusha uga tuureysaa gabar siyaasiyad ah oo iswidhsih ah oo lagu magacaabo Gudrun Schyman, gabartan iswidhshka ah ayaa lagu eedeynayaa in ay difaacdo Xuquuqda gabdhaha islaamka ee qaata xijaabka.

Gudrun Schyman ayaa tageero ku muujisay in ay qaadato Xijaab oo tiri: Gabar kasta ama haweeney kasta xaq ayey u leedahay in ay u labisato sidii ay doonto, ama hadii ay doonto ha qaadato xijaab, ama hadii ay doonto ha qaadato cambuur gaaban (go´no).

”Feministiskt Initiativs talesperson Gudrun Schyman, iklädd en vinröd huvudduk:Vi stöder uppropet eftersom en kvinna måste ha rätt att klä sig hur hon vill – i kort kjol eller i slöja – utan rädsla för att bli misshandlad, säger Gudrun Schyman.

Naagta seddexaad ee aflgaadeysay islaamka iyo xaafada ay deggen yihiin somalida ayaa ah naag u dhalatay dalka Iran, oo magceeda la dhaho Maria Rashidi, waxay leedahay anniga waan ka baxay diinta islaamka, sida ay uga baxeen Suleman Rushdi oo kale. Waxay leedahay iyada oo eed kulul u soo jeedisay Sociolog Kahin, oo tiri: Kahin wuxuu na leeyahay aan idiin sheego Siyasadda saxda ah oo ah in dhalinyarada qaxootiga ah ee aan loo ogoleyn in ay soo galaan suuqa shaqada sababo la xiriira cunsuriyada, in arintaas wax laga qabto.

Nagtaan ayaa tiri. Kahinoow, ninka la yiraahdo Usama Biladin maáhayn faqri, boqorka sucuudiga maáha faqri, haddana waxay ku xadgudbaan xuquuda dumarka, iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri meelahaas ay deggen yihiin somalida in ay mar dhow halis ugu jirto in laga dhiso saldanad (dowlad) islaam ah, iyada oo ay sawir niman afduuban soo saareen maqaalkooda. Hadii aan garaneysid afka Iswidhsihka halkaan hoos ka akhri:

http://www.gp.se/nyheter/debatt/1.2740346–nar-far-vi-vart-forsta-svenska-forortskalifat-

Waxaa intaas ka sii yaab badan, i naag somali ah oo magaceeda lagu sheegay Mona Walter oo ka baxday diinta islaamka oo gashay diinta kiristaanka, oo aqoonta xagga maadiga heerka ay ka joogto aan la sheegin, ileen hadii ay aqoon lahaan lahayd way buun buunin lahayeen, ileen qofka iswidhishka ah hadii uu jeedinaayo muxaadarad, wariyeyaasha waxay soo qoraan qofkaas jaamacada uu ka soo baxay iyo cilmiga uu leeyahay. Nagtaan waxa loo qabtay Lokaal (Meel laga jeediyo Muxaadarada) oo la dhaho (Folket hus) oo ku yaal xaafada ay deggen yihiin dadka somalida ee Rinkeby. Taas waad aragtaan waa in la wasakheeyo damiirka dadkaan somalida ee masaakiinta ah oo aan ba la socon meesha xaal marayo.

Siyasiyiinta Somalida ah, Ururada Somalida, xataa Ururada islaamka meeshaan ka jira weli cid arintaan ka hadashay ma jirto.

Waddankaan Iswidhan waxa ka jira Qodob Dastuuri ah oo ah Xoriyada Diinta. Marka ragga hogaamiya ururradaas, iyo kuwa siyaasiyiinta isku sheegaya ee jooga Sweden waxaan u soo jeedin lahaa, war heedhe somalidaba xoog ayaad isku leedihiin dhexdiina, maxaad ugu hadli weydiin intaas oo bahdil ah oo laydin ku sameynaayo.

Anniga qof ahaan iyo ka siyaasi ahaan wacyigelinta iyo dagaalka Saxaafadeed qaybteydii waan ka qaatay

Wa bilaahi Towfiiq

Sociolog Kahin Ahmed (Enow)