29.9 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

Xog: Villa Somalia oo go’aansatay musharaxeeda Galmudug – Waa kuma?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansatay in musharaxeeda hoggaanka Galmudug uu noqdo siyaasi Liibaan Axmed Xasan (Shuluq).

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xaflad lagu shaacinayo taageerada Liibaan ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto xarunta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale si weyn u taagan loollan ku saabsan cidda loo garanayo musharraxa madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, iyadoo ay jiraan siyaasiyiin badan oo doonaya inay helaan taageerada iyo aqoonsiga xisbiga madaxweyne Xasan ee JSP.

Xogaha ayaa sheegaya in kulamo iyo wada-hadallo hoose ay socdaan, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka iyo tartanka ka dhex jira musharraxiinta doonaya xilka labaad ee maamulka Galmudug.

Dhanka kale, magaalada Dhuusamareeb ayaan weli laga dareemin dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo muuqda, waxaana aan la ogeyn jihada siyaasadeed ee Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu qaadi doono marka ay soo dhowaato doorashada maamulkaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u sii kacayaan loollanka iyo is-xulafeysiga siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka maamulka Galmudug, iyadoo dhinacyada siyaasadda gobolka ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo lagu xoojinayo saameyntooda siyaasadeed.

Go’aankan cusub ayaa imanaya kadib markii khilaaf siyaasadeed uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka qabta in Madaxweyne Qoor-Qoor uu carqaladeeyo doorashada golaha deegaanka iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay Galmudug ka qabsoomaan 20-ka June iyo 2-da July, iyadoo doorashada hoggaanka Galmudug la muddeeyay in la qabto 9-ka July.

Qoor-Qoor ayaa doonaya inuu mar labaad xafiiska ku soo laabto, halka Dowladda Federaalka ay jagadaas u waddo shakhsi kale, waana halka uu is-maandhaafkoodu ka taagan yahay.

Si kastaba, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guuleysatay in inta badan saraakiisha booliska iyo nabad-sugidda Galmudug ay ka baxaan garabka Qoor-Qoor, waxayna Villa Somalia caqabadda hortaagan u aragtaa taageero la’aanta militariga deggan Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Read more

Local News