Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa soo saaray hanjabaado cusub oo ku aaddan in tallaabo millateri laga qaado waddanka Cuba.
Rubio ayaa goor dambe oo Khamiistii ah u sheegay suxufiyiinta in Cuba ay sannado badan khatar ku ahayd amniga qaranka Mareykanka, sababo la xiriira xiriirka ay la leedahay dalalka Mareykanka kasoo horjeeda sida Ruushka iyo Shiinaha, halka Trump uu sheegay in ay u badan tahay inuu noqdo madaxweynihii ugu dambeyn qaada tallaabadaas. Taas oo ka dhigan in dagaalkii Iran kadib uu Mareykanku u jeesan doono Cuba.
Maamulka Trump, oo uu safka hore kaga jiro Rubio oo asalkiisu yahay Kuubaan-Mareykan (Cuban-American) ayaa kordhinayay culeyska saaran jasiiraddan uu shuucigu hoggaamiyo, taas oo u muuqata isku day lagu doonayo in lagu sameeyo “isbeddel maamul”. Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ah go’doomin dhinaca shidaalka ah oo dhaqaalaha Cuba qarka u saartay inuu burburo.
Dedaalladan ayaa dardar galay maalmihii u dambeeyay, iyadoo Mareykanku uu dacwad ku soo oogay madaxweynihii hore ee Cuba Raul Castro, isla markaana uu ciidamo millateri ku ururinayo badda Caribbean-ka.
Isagoo gaashaanka u daruuraya fikirka ah in ujeedadu tahay “qaran-dhisid”, Rubio ayaa u sheegay suxufiyiinta in arrintu ay quseyso “amniga qaranka”. Waxa uu intaas ku daray in kasta oo heshiis wada-xaajood lagu gaaro uu yahay “midka uu doorbidayo” Mareykanku, haddana rajada laga qabo waddada diblumaasiyadda ee Cuba ay “hooseyso”.
“Nidaamkooda dhaqaale ma shaqeeyo. Waa mid burbursan, mana lagu xallin karo nidaamka siyaasadeed ee hadda jira,” ayuu yiri Rubio.
“Sannado badan Cuba waxay caadeysatay inay waqti iibsato oo ay na daaliso,” ayuu sii raaciyay Rubio. “Ma awoodi doonaan inay na sugaan ama waqti iibsadaan. Aad ayaan uga dhabeynaynaa arrintan, diiraddana waan saaraynaa.”
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay suxufiyiinta in madaxweynayaashii Mareykanka ay muddo tobanaan sano ah ka fiirsanayeen inay faragelin ku sameeyaan Cuba, balse ay u muuqato in isagu uu noqon doono “kii fulin lahaa arrintaas”, isagoo raaciyay inuu “ku farxi doono” inuu sidaas sameeyo.
Isagoo arrintaas ka jawaabaya, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa si kulul u cambaareeyay Rubio, isagoo ku tilmaamay inuu si been abuur ah Cuba ugu shaabadeeyay khatar.
“Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa mar kale been sheegaya si uu u huriyo daandaansi millateri oo sababi kara in la daadiyo dhiigga shacabka Cuba iyo kan Mareykanka,” ayuu yiri Rodriguez.
Xiisadda oo kor u kacday
Tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay, Trump wuxuu Cuba saaray cunaqabateynno dhowr ah, isagoo hirgeliyay go’doomin dhinaca shidaalka ah, wuxuuna kormeeray isku-uruursi millateri oo ka socda gobolka.
Hanjabaadaha dib u soo cusboonaaday ee maalintii Khamiista ayaa yimid xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexeysa labada dal.
Mareykanka ayaa Arbacadii dacwad ku soo oogay madaxweynihii hore ee Cuba Raul Castro, arrintaas oo lala xiriirinayo diyaarad la soo riday sanadkii 1996-kii.
Khamiistiina, waxaa la xiray Adys Lastres Morera oo la dhalatay sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda weyn ee Grupo de Administracion Empresarial SA (GAESA), taas oo uu maamulo millateriga Cuba, gacantana ku haysa qaybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha dalkaas.
Cunaqabateynno dheeraad ah ayaa la saaray dowladda Cuba usbuucii la soo dhaafay. Millateriga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in maraakiib dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada badda, oo uu ku jiro markab xambaara diyaaradaha dagaalka, ay Arbacadii gaareen badda Caribbean-ka si ay uga qayb qaataan dhoolatusyo badeed oo ay la sameynayaan dalalka saaxiibada la ah ee Latin America.
Rubio ayaa xusay in Cuba ay hore si horudhac ah u oggolaatay deeq lacageed oo dhan $100 milyan oo doolar, taas beddelkeedana laga doonayay inay isbeddello sameyso.
Balse waxa uu sheegay in aysan caddeyn in Mareykanku oggolaan doono shuruudaha Cuba, maadaama Washington ay ku adkeysaneyso in la hareermaro shirkadda uu millaterigu taageero ee GAESA.
Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in Trump iyo Rubio ay Cuba la maagan yihiin tallaabo la mid ah isbeddelkii maamul ee laga sameeyay Venezuela.
Madaxweynaha garabka bidix ee Venezuela Nicolas Maduro iyo xaaskiisa ayaa la afduubay bishii Janaayo kadib howlgal millateri, waxaana loo qaaday Mareykanka, halkaas oo Maduro lagu soo oogay dacwad la xiriirta “argagixisanimo iyo daroogo”.
Rubio ayaa ku adkeysanaya in Cuba ay khatar weyn oo dhinaca amniga qaranka ah ku tahay Mareykanka, sababo la xiriira xiriirka dhanka amniga iyo sirdoonka ee ay la leedahay Shiinaha iyo Ruushka.
Labadan dal ayaa dhankooda dhaleeceeyay culeyska uu Mareykanku saarayo jasiiraddan.
Shiinaha ayaa Jimcihii sheegay inuu “si adag u garab taagan yahay” Cuba, isagoo ugu baaqay Mareykanka inuu qaboojiyo xiisadda islamarkaana uu “joojiyo hanjabaadaha ku saleysan awoodda.”
Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka Dmitry Peskov ayaa yiri: “Waxaan aaminsannahay in xaalad kasta ha noqotee, hababkan qarka u saaran gacan-ka-hadalka iyo rabshadaha aan marnaba loo adeegsan madaxda hore ama kuwa hadda xilka haya ee dalalka.”

