26.2 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

Imaaraadka oo $6 milyan ku bixiyay in la qariyo fadeexada safiir Yousef al-Otaiba

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa in ka badan lix milyan oo dollar siisay shirkad Mareykan ah oo ka shaqeysa hagaajinta sumcadda internet-ka, si loo hoos geeyo warbixin dhaawac u geysatay safiirka Abu Dhabi u fadhiya Washington, Yousef al-Otaiba, sida ay qortay The New York Times.

Warbixinta ayaa sheegtay in Imaaraadka uu tan iyo July 2019 la shaqeynayay shirkadda Terakeet, oo fadhigeedu yahay magaalada Syracuse ee gobolka New York. Shirkadda ayaa loo xilsaaray in ay hagaajiso natiijooyinka Google-ka ee la xiriira dalxiiska Imaaraadka iyo sumcadda safiirkiisa Washington.

Yousef al-Otaiba, oo ahaa safiirka Imaaraadka ee Mareykanka tan iyo 2008, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta ugu saameynta badan Washington. Wuxuu muddo dheer door muhiim ah ku lahaa xiriirka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Mareykanka iyo Imaaraadka.

Arrinta muranka dhalisay ayaa ka bilaabatay maqaal ay The Intercept daabacday 2017, kaas oo cinwaan uga dhigay “nolosha qarsoon ee safiirka ugu awoodda badan Washington”. Maqaalkaas ayaa sheegayay in al-Otaiba uu xiriir la lahaa haween ka ganacsada galmada iyo dad lagu eedeeyay ka ganacsiga jinsiga.

Sida ay qortay The New York Times, maqaalkaas ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ugu horreeyay ee kasoo muuqday Google marka la raadiyo magaca safiirka, taas oo walaac ku abuurtay al-Otaiba iyo dowladda Imaaraadka.

Afar shaqaale hore oo ka tirsanaa Terakeet ayaa sheegay in shirkaddu sameysay qorshe ballaaran oo lagu riixayo maqaalka The Intercept, si uusan uga soo muuqan bogagga hore ee Google. Mid ka mid ah maamulayaasha akoonka shirkadda ayaa sida la sheegay muddo ka badan hal sano u guuray Washington, si uu si toos ah ula shaqeeyo safiirka, isla markaana loo yareeyo raad digital ah oo muujin kara faahfaahinta shaqada la qabanayay.

Terakeet ayaa u sameysay al-Otaiba bog gaar ah oo sumcaddiisa lagu xoojinayo. Shirkadda ayaa sidoo kale adeegsatay akoon qarsoon si wax looga beddelo boggiisa Wikipedia, iyadoo lagu daray xog wanaagsan oo ku saabsan doorkiisa diblomaasiyadeed.

Waxaa kale oo la qoray qoraallo ammaanaya hoggaamintiisa iyo saameyntiisa, kuwaas oo loo gudbiyay hay’ado uu xiriir la lahaa, sida Harvard Kennedy School, Milken Institute iyo Special Olympics. Qoraalladaas ayaa lagu xiray bogag kale oo si wanaagsan uga hadlayay Imaaraadka, taas oo gacan ka geysatay in natiijooyinkaas ay sare uga soo baxaan Google.

The New York Times ayaa sheegtay in xeeladdaasi ay si tartiib ah u shaqeysay. Sanadkii 2023, maqaalka The Intercept wuxuu u dhacay bogga labaad ee Google, halka maanta uu inta badan isticmaalayaasha uga muuqdo bogga shanaad.

Imaaraadka ayaa Terakeet siiyay in ka badan lix milyan oo dollar intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, sida ay muujinayaan diiwaannada sharciga Mareykanka ee Foreign Agents Registration Act, oo lagu diiwaangeliyo shirkadaha iyo shaqsiyaadka u shaqeeya dowlado shisheeye.

Al-Otaiba kama jawaabin su’aalaha The New York Times, marka laga reebo inuu xaqiijiyay in Terakeet ay shaqo u qabatay dowladda Imaaraadka.

Warbixinta The New York Times ayaa sidoo kale iftiimisay sida Terakeet ay ugu lug yeelatay dadaallo lagu maaraynayay sumcadda Kathryn Ruemmler, oo hore uga soo shaqeysay Aqalka Cad xilligii madaxweyne Barack Obama, kadibna noqotay madaxa sharciga ee Goldman Sachs.

Ruemmler ayaa wajahday cadaadis xooggan kadib markii dokumentiyo la xiriira Jeffrey Epstein ay muujiyeen xiriir dhow oo ay la lahayd maalqabeenka Mareykanka ah ee lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga galmada. Dokumentiyada ayaa muujiyay fariimo ay ugu yeereysay Epstein “Uncle Jeffrey”, iyo xiriir ka badan mid sharci oo keliya.

Terakeet ayaa isku dayday inay xakameyso dhaawaca sumcadeed ee Ruemmler, balse hawshaasi waxay noqotay mid aad u adag. Ugu dambeyntii, Ruemmler ayaa bishii February iska casishay xilkii madaxa sharciga ee Goldman Sachs, iyadoo la filayo inay shirkadda si rasmi ah uga tagto bisha June.

Mac Cummings, madaxa fulinta ee Terakeet, ayaa difaacay shaqada shirkaddiisa, isagoo sheegay in hay’aduhu ay xaq u leeyihiin inay iyagu sheegtaan sheekadooda, haddii kale ay dhinacyo kale iyo teknoolajiyada casriga ah u qaabeyn doonaan.

Kiiskan ayaa dib u furay dood ku saabsan awoodda shirkadaha sumcad-dhisidda ee Mareykanka, gaar ahaan sida dowlado iyo shirkado waaweyn ay malaayiin dollar ugu bixiyaan inay beddelaan waxa dadka ka arkaan internet-ka, ayna hoos u riixaan warbixinnada dhaawici kara sawirkooda siyaasadeed ama ganacsi.

- Advertisement -

Read more

Local News