26.2 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

Arrin halis ah oo aan lagu baraarugsaneyn oo ku soo korortay magaalada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin cabsi iyo walaac badan leh ayaa muddooyinkii dambe lagu arkayay magaalada Muqdisho, taasoo lala xiriirinayo qaar ka mid ah shirkadaha dhismaha iyo injineerada ka shaqeeya dhismayaasha waaweyn ee magaalada.

Qaar ka mid ah shirkadaha iyo injineerada dhismaha ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelinayaan biyaha dhulka hoostiisa ee magaalada, iyagoo dadka ay guryaha u dhisayaan kula heshiiya in haanta bulaacadda, ama buusaneerka musqusha, aysan buuxsami doonin muddo u dhexeysa 10 ilaa 15 sano, halkii si caadi ah looga faarujin lahaa saddexdii biloodba mar ama xilli kasta oo ay buuxsanto.

Si taas loo sameeyo, injineerada qaarkood ayaa la sheegay inay haanta bulaacadda ku xiraan ceel ama god aad u qoto dheer, kaas oo loo qaabeeyo in wasakhda adag ee saxarada ay meel gaar ah ku harto, halka biyaha wasakhaysan iyo kaadidu ay si toos ah ugu qulqulaan god hoos u sii dhacaya oo mararka qaar gaaraya 100 ilaa 120 mitir.

Arrintan ayaa ah khatar caafimaad iyo mid deegaan oo weyn, gaar ahaan marka la eego in biyaha dhulka hoostiisa ay yihiin isha ugu weyn ee ay dadka Muqdisho ka helaan biyaha ay cabbaan ama isticmaalaan. Dadka aqoonta u leh caafimaadka dadweynaha iyo biyaha dhulka hoostiisa ayaa fahmi kara in dhaqankan uu horseedi karo in wasakhdu ku faafto dhulka hoostiisa, isla markaana ay gaarto ceelasha ay shacabka isticmaalaan.

Dhismayaasha dhaadheer ee magaalada ku soo kordhay ayaa si gaar ah loola xiriirinayaa dhaqankan. Qaar ka mid ah mulkiilayaasha iyo shirkadaha dhismaha ayaa la sheegay inay ka cararayaan kharashka joogtada ah ee ka baxaya faarujinta haamaha bulaacadda, iyagoo taas beddelkeeda doorbidaya hab khatar gelin kara caafimaadka bulshada iyo deegaanka gobolka Banaadir.

Dhanka kale, baaris ay Caasimada Online sameysay ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee ku dhow xeebta ay wasakhda ka soo baxda haamaha bulaacadda si toos ah ugu shubaan badda. Arrintan ayaa la sheegay in lagu sameeyo tubooyin xooggan oo dhulka hoostiisa la mariyo, kuwaas oo wasakhda gaarsiiya xeebta iyo biyaha badda.

Waxaa muuqata in maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha u xilsaaran bulaacadaha, fayadhowrka iyo ilaalinta deegaanka aysan si buuxda ugu baraarugsaneyn khatartan. Ma jiro kormeer joogto ah oo muuqda, mana muuqato isla xisaabtan lagu hayo shirkadaha iyo dadka ku lugta leh dhismaha guryaha iyo daaraha magaalada.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991, Muqdisho ma aysan helin adeeg dowladeed oo nidaamsan oo si joogto ah u kormeera fayadhowrka, bulaacadaha, ceelasha iyo badqabka deegaanka. Taas beddelkeeda, qof walba wuxuu si gaar ah u fulsadaa adeegyo ay ahayd inay dowladda maamusho ama nidaamiso.

Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, arrintan waxay noqon kartaa khatar qarsoon oo saameyn ku yeelata caafimaadka kumannaan qof, gaar ahaan dadka ku tiirsan ceelasha biyaha ee magaalada Muqdisho.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, London

- Advertisement -

Read more

Local News