Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka cudurka dabaysha (Polio), kaas oo muddo dheer dhibaato caafimaad ku hayay carruurta Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay intii uu ka qeybgalayay shirka 64-aad ee Wasiirrada Caafimaadka dalalka Carabta, kaas oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha iyo xoojinta tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka cudurka cVDPV2 ee ka jira gobolka Geeska Afrika.
Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa shirka ka jeediyay warbixin ku saabsan horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinaca tallaalka carruurta iyo dadaallada lagu yareynayo tirada carruurta aan helin tallaalka muhiimka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xoojisay nidaamyada dabagalka cudurrada, si loo ogaado xaaladaha cusub ee cudurka dabaysha loogana hortago faafitaankiisa.
Dhanka kale, wuxuu qiray inay jiraan caqabado adag oo hortaagan dadaallada caafimaad ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, helitaanka adeegyada caafimaadka iyo gaarsiinta tallaalka deegaannada ay adag tahay in la gaaro.
Wasiirka ayaa xusay in xaaladaha amni darrada iyo gaadiid la’aanta ka jirta qaar kamid ah gobollada dalka ay saameyn ku yeesheen ololayaasha tallaalka, balse dowladda ay sii waddo dadaallada lagu gaarsiinayo adeegyada caafimaad dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta wada-shaqeynta dalalka deriska ah iyo taageerada joogtada ah ee bahwadaagta caafimaadka, si loo xaqiijiyo mustaqbal ka xor ah cudurka dabaysha, loona ilaaliyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka gobolka.

