Gen. GOOBE oo sir xasaasi ah shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya, General Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka sir warramay xaaladda cadaabta ah ee ka jirta Xabsiga Dhexe Xamar, oo ah Xabsiga ugu weyn ee Dowladdu gacanta ku hayso.

“Xabsiga Dhexe ee Xamar runtii xaaladda uu ku sugan yahay maanta, xaalad lagu faano maaha. Waxaa ka jira ciriiri oo is dulsaar, dadka tiradii loogu talla galay iyo tirada ku xiran way kala duwan tahay.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha, ayaa yiri “Waxaa ka jira dhibaatooyin ee ah in wax laga qabto oo xagga caafimaadka maxaabiista ah iyo ciidankaba, noloshooda oo ay tahay in wax laga bedelo. Waxaa ka maqan waxyibihii aan hadda ka hadleenay oo dhan.”

Waxa kaloo uu yiri “Qaybtii dhaqancelinta oo dhan baa maqan, oo ah dadka inay hellaan xerfado, in la soo celiyo wixii wax lagu barri jiray oo dhan, sida warshadihii kala duwanaa ee yar yaraa, sida beerihii dhismayaashii, dhar tolidii.”

Isagoo ka sii sheekaynaaya xaaladda murugsan ee ka jirta Xabsiga Dhexe, ayuu bidhaamiyay in caagad saddex liitar qaad oo biyo ah maalintii la siiyo maxbuuska, isagoona su’aal ka keenay waxa uu ku qabsan karo, biyahaasi yar.

“Waxaa la ii sheegay oo Warbixinta ku qaatay in qofka maxbuuska ah la siiyo maalintii saddex liitar qaad biya ah, marka saddex liitar qaadkaas biyaha maku weysaysanayaa, maku istijoonayaa, ma cabayaa, maku qubeysanayaa, ma fanaanad buu ku dhaqanayaa? Waad garan kartaan yacni cadaabta uu Muwaadinkaasi ku jiro.” Ayuu yiri General Bashiir Maxamed Jaamac.

General Bashiir Goobe, ayaa hadalkan ka sheegay Barnaamijka Toddobaadka oo maalin kasta oo Jimca ah ka baxa Radiyaha iyo Telefishinka Dowladda Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com