Canada: Nin Soomaali ah oo si xeeladeysan KIIS halis ah loogu xiray arrin ka dhacday Muqdisho!!

Ottowa (Caasimada Online) – Booliska Dalka Canada ee  Magaalada Ottawa ayaa shaaciyay inay  xireen nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa Afduubkii sannadkii 2008 Muqdisho loogu geystay labadii weriye  ee Amand Lindhout iyo Nigel Brennan oo u kala dhashay dalalka Kanada iyo Australia.

Ninkan Soomaaliga ah ee la xiray ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cumar Adeer ayaa ka mid ahaa dadkii xiriiriyay afduubtayaasha iyo ehelka weriyeyaasha si ay lacag madax furasho ah uga helaan.

amanda-lindhout_Adeer“Ninkan  wuxuu ahaa qofkii waday wadahadalkii  madax furashada lacageed lagu siiyay kooxihii haystay Lindhout iyo Brennan, tallaabadaas oo ah mid sharciga dalka Canada ka horimaanaysa,” ayaa laga soo xigtay Kaaliyaha Taliyaha Booliiska dalka Canada, James Malizia oo saxaafadda dalkaasi warbixintan siiyay.

Labada suxufi  oo afduubkoodu ahgaa mid aad u dheeraaday ayaa la sii daayay November ee Sannadkii 2009-kii, iyagoo laga qaatay lacag  700,0000 oo doollar.

Qaabka loo gacan geliyay ninkan Soomaaliga ah oo muddo sanado ah la daba joogay ayaa la sheegay inay iska kaashadeen booliska iyo sirdoonka dalalka Kanada iyo Australia waxaana fiiso sharci ah la siiyay isagoo tegay Kanada, kadibna laga qabtay markii uu 4 maalmood ku sugnaa dalkaasi, waxaana muuqata inuu ahaa qorshe si weyn looga shaqeeyay oo lagu shirqoolay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com