Sawirro: Soomaaliya iyo Ethiopia oo si horudhac ah uga wada hadlay Khilaafka DFS iyo Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibada ee Somalia iyo Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia Tedros Adhanom ayaa si hordhac ah uga wada hadlay xiriirka DF iyo Ethiopia, Khilaafka ka dhexeeya Dowlada iyo Maamulka Jubbland iyo kaalinta kaga aadan faragalinta Dowlada Ethiopia si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay burburinta Baarlamaanka Jubbland.

Kulanka Labada wasiir oo ku dhawaad saacad qaatay, ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Johannesburg oo uu xiligaani ka socdo shir sanadeedka Ururka Midowga Afrika.

Waxa ay labada Wasiir isla soo qaaden qaabka uga sahlan ee lagu hakin karo Khilaafka DF iyo Maamulka Jubbaland iyo wax ka qabashada tabashooyinka Jubbaland.

Waxa ay si KMG ah iskula fahmeen in la magacaabo gudiyo hordhac ah oo xaliya buuqa iminka taagan kadibna si ay daacadnimo ku jirto ay labada dhinac isugu fahmaan xaqiiqda jirto, iyadoo laga gudbaayo dibindaabada leysu hayo.

Sidoo kale waxa ay labada mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal,arimaha gobolka iyo kuwo guud oo khuseeya danaha labada dal.

Kulanka labada mas’uul dhexmaray ayaa loo badinayaa inuu sidoo kale yahay mid hordhac u ah kulan la filayo in wasiirada arimaha dibada ee IGAD ka yeeshaan go’aankii khilaafka dhaliyay ee kasoo baxay baarlamaanka Somalia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

22

33