Diblumaasiyiin ka socda QM iyo China oo gaaray Garoowe iyo sababta socdaalka oo la ogaaday !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada garowe ee xarunta maamulka Puntland, gaaray wafdi heer sare oo uu hogaaminaayo Raisedon Zenenga oo ah ku-xigeenka Xafiiska Qaramada Midooway u qaabilsan arimaha Somalia.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Danjiraha Dowlada Shiinaha u fadhiya dalka Somalia waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Puntland iyagoona u gudbiyay Madaxtooyada Maamulka.

Socdaalka wafdiga ayaa ku qotomo u kuurgalida xaaladaha Amni, dhaqaale iyo Horumarada uu maamulka ku talaabsanaayo.

Socdaalka ay Mas’uuliyiintaasi ku gaaren Magaalada Garoowe ayaa qaadan doono muddo laba maalin ah waxaana la filayaa in Maamulka ay si gaar ah ugala hadlaan arrimaha la xiriira Hiigsiga 2016-ka ee fooda nagu soo heyso.

Dhanka kale, Wafdiga ayaa lagu wadaa inay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Saraakiisha amaanka si ay xogo dhanka socdaalkooda ku saleysan u helaan.

Ma jiraan wax faah faahin ah oo laga helaayo Socdaalka waxaana suuragal ah in intaasi uu kasii badan karo Ujeedka socdaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com