XASAN Sheekh oo garan waayey midabka saxda ee CALANKA Soomaaliya (Daawo sawir yaab leh)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Si kastaba, sida ka muuqata sawir aan kasoo goynay muuqaal-ka shirka ee madaxweynaha, waxaa ka muuqda laba calan oo kale leh laba midab oo wada bulug ah, balse kala duwan.

Waxaa arrintaas qaladkeeda leh kooxda baratakoolka madaxweynaha, waxaase kasii daran in madaxweynuhuna uusan fahmin in labada midab ee labada calan kala duwan yihiin.

Arrintan, waa mid sidoo kale Soomaalida badankeeda ay ku wareersan tahay ayada oo nooca buluuga ee calanka Soomaaliga uu qofba si u qaato, balse kan saxda uu yahay buluuga cirka sida lagu sheegay heesta calanka.

laba calan