Warbixin: Sababtan ayaa yareysey qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee Muqdisho ka dhaci jiray!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska sare ee ciidanka Nabad Sugida Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay barnaamish cusub oo cajiib ah kaas oo ugu dambeeyntii noqday mid shaqeeya waliba waxaa aad u soo dhaweeyay dhamaan bulshada ku nool caasimada dalka Somalia ee Muqdisho .

Barnaamishkaan cusub ayaa waxa uu la magac baxay ” Iska Baro Dariskaaga ” wuxuuna sii xoojiyay amniga magaalada Muqdisho maadaama Qaraxyadii iyo dilalkii qorsheeysnaa ay noqdeen kuwo uu waqtigooda sii dhamaanayo .

Bilihii ugu dambeeyay ciidamada Nabad sugida Qaranka ayaa waday howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayo Amniga casimada iyo kan guud ahaan dalka Somalia waxaana degmooyinka gobolka Banaadir ka hir galay Barnaamishka cusub ee (Iska Baro Dariskaaga) maadaama la is baray Daris badan oo xiliyadii hore lagu soo dhex dhuuman jiray.

Shacabka Muqdisho oo si aad ah u aaminay ciidamada Nabad Sugida Qaranka ayaa waxeey si deg deg ah ku wargaliyaan xarumaha ciidamadaan degan yihiin waa hadii ay arkaan ama ka shakiyaan qof ku guda jira sir qool dil ama mid Qaraxyo lagu maleegayo .

Hadal heynta ugu badan magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan dambe waxa ay noqotay Shacbiyada balaaran ee uu yeeshay Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Jen.C/raxmaan Maxamed Tuuryare kaas oo Amniga caasimada wax yaabo badan ka badalay .

Guusha ugu weyn iyo Da´daalka uu sameeyay Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Jen.C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa waxaa lagu sheegay ciidamada Nabad Sugida oo noqday kuwo isku badala saacad walba shaqadooda waxaana sidoo kale shaqeeya oo habeenkii saq dhexe soo jeeda qaar ka mid ah ciidamada Nabad Sugida oo guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo wadooyinka ku sugan .

Isku soo duuboo Amniga magaalada Muqdisho ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay waxaana maalin walba magaalada gudaheeda ka socda Barnaamish-kaan cusub ee la magac baxay (Iska Baro Dariskaaga) kaas oo ku qasbay kooxihii Qaraxyada geeysan jiray inay iskaga qaxaan degmooyin badan oo ay xiliyadii hore ku dhuumaaleysan jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com