Xasan Sheekh oo qiray xogtii Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si dadban u qiray xogtii ay dhowr maalmood ka hor baahisay Caasimada Online ee ahayd in la beddeli doono qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda R/W Cumar.

“Warar dadka ay isla dhex marayaan oo ah in Xukuumadda lakala diraayo ayaa jira, taasi maaha mid sax oo wax walbo wanaaga halaga eeggo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya, balse waxa uu qiray in la beddelayo qaar ka mid ah wasiirada.

“Ma jirto xukuumad la isku shaandheynayo ama la kala dirayo, wasiirkii xilkiisa gudan waaya waa la bedelayaa, laakiin ma jirto in xukuumad la bedelayo, golaha wasiiradana waan u sheegay” ayuu yiri.

“Warxumo tashiilka hala joojiyo Xukuuamdda way jirtaa, wayna jiraysaa” ayuu yiri madaxweynaha oo u muuqday inuu tixraacayey warbixintii Caasimada Online.

Waxaa xusid mudan in Caasimada Online aysan marnaba oran in xukuumadda la kala dirayo, balse ay sheegtay in dhowr wasiir la beddelayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com