26.8 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

Ururka FSON ee Netherlands oo badbaadiyay in la gubo meydadka Soomaalida

Bookmark
Bookmarked

Share

Amsterdam (Caasimada Online) – Muddoyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay dhibaatooyin soo wajahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Netherlands, kuwaas oo la xiriira duruufo kala duwan oo dhinaca dhaqanka, nolosha iyo deegaanka ah.

Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Somalische Federatie Organisatie, Abdikadir Ali Nuune, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la kulanto dhibaatooyin kala duwan marka qof ehelkooda ka mid ah, ama qof asal ahaan Soomaali ah, uu geeriyoodo. Arrintan ayuu sheegay inay inta badan ka timaaddo aqoon-darro bulshada ka haysata nidaamka dalka iyo hab-raacyada aaska.

Mararka qaar, ayuu sheegay, maamullada degmooyinka waxay soo jeediyaan in meydka la gubo, maadaama duugistiisu ay kharash badan ku kacdo. Arrintaas oo kale, ayuu tilmaamay, waxay u baahan tahay in ururrada Soomaalidu bulshada ku baraarujiyaan, isla markaana loo tilmaamo in ay jiraan caymisyo qaabilsan aaska iyo asturidda meydka.

Guddoomiyaha SFON, Abdikadir Ali Nuune, ayaa xusay in mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xilligan haysata bulshada Soomaalida ay tahay sida loo maareeyo meydka qofka marka uu geeriyoodo. Aqoon-darrada baahsan ee dhinaca shuruucda dalka iyo hab-raaca aaska ayaa keentay in qoysas badan ay hay’adda SFON ka caawiso sidii ay ula xiriiri lahaayeen dawladda hoose ee Gemeente, si ay u helaan taageero dhinacyo kala duwan leh.

Waxa ugu daran ee uu guddoomiyuhu farta ku fiiqay ayaa ah in mararka qaar maamullada degmooyinka ay soo jeediyaan in meydka la gubo, maadaama nidaamka duugista rasmiga ah uu yahay mid aad qaali u ah. Qoysaska qaar, dadka keligood nool iyo dhallinyarada ku jira kaamamka qaxootiga ayaan awoodin inay bixiyaan kharashkaas badan marka qof ka geeriyoodo.

Arrinta gubidda meydka waxay si toos ah uga hor imaanaysaa caqiidada Islaamka, sharafta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna naxdin iyo walbahaar hor leh ku abuurtaa ehelka qofka geeriyooday.

Si looga baaqsado dhibaatooyinkaas dhaawacaya bulshada diin ahaan iyo dhaqan ahaanba, Ururka Somalische Federatie Organisatie wuxuu qaatay door hoggaamineed. Ururku wuxuu marar badan la kulmaa maamullada degmooyinka ee Gemeenten, si uu ugu fahamsiiyo xasaasiyadda ay arrinta gubidda meydku ku leedahay bulshada Soomaaliyeed, iyo sidii loo heli lahaa xalal kale oo la awoodi karo, isla markaana waafaqsan sharciga dalka iyo diinta Islaamka.

Dhawaan waxaa kaam qaxooti ku geeriyooday nin waayeel ah oo sharci la’aan ahaa. Hay’adda SFON iyo guddoomiyaheeda ayaa ku guuleystay in meydkiisa loo qaado magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqaalihii ku baxay ay ka caawisay hay’adda maamusha kaamamka qaxootiga ee COA.

Sidoo kale, guddoomiye Nuune iyo hay’addiisa ayaa ka hortagay in la gubo meydka wiil lagu magacaabi jiray Farah Gutale, kaas oo markii dambe loo aasay sida ay shareecadu qabto.

SFON waxay sidoo kale u taagan tahay hanuuninta bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, gaar ahaan dhallinyarada ku cusub waddanka iyo kuwa ku jira kaamamka qaxootiga. Ururku wuxuu bulshada u furay goobo lagu madadaalo iyo xafiisyo gaar ah oo ka caawiya la-qabsiga nidaamka dalka, fahamka xuquuqdooda iyo gudashada waajibaadkooda.

Waxay sidoo kale leeyihiin xafiis lagu magacaabo Wegwijzer, kaas oo caawiya dadka helay sharciga cusub. Xafiiskaas waxaa jooga dad yaqaanna luqadda Soomaaliga, kuwaas oo si fudud wax ugu sharxi kara dadka u baahan taageerada.

Ugu dambeyn, SFON waxay bulshada u noqotay buundo isku xirta baahiyaha Soomaalida iyo shuruucda adag ee dalka Netherlands. Ururku wuxuu ka shaqeeyaa ilaalinta sharafta, diinta, dhaqanka iyo jiilka mustaqbalka soo koraya. Waxa kale oo uu abaabulaa doodo iyo kulamo ay dhallinyaradu kaga hadlaan arrimaha noloshooda khuseeya iyo mustaqbalka dalka ay ku nool yihiin.

Waxaa diyaariyay
Ali Muhiyaddiin

- Advertisement -

Read more

Local News