Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa shalaay ka taagan falkii ay ciidamadooda magaalada Muqdisho ugu geysteen wiilal dhalinyro ah oo watay gaari raaxo.
Falkan ayaa waxaa geystay mid kamid ah kolanyo gaadiid oo ay la socdeen ciidamada AMISOM, kadib mrkii ay jiireen gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo ka dhacay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay in taliska uu ka jawaab celin doono falka ay magaalada Muqdisho ku geysteen ciidamadooda.
Waxaa qoraalka lagu sheegay inay ka xun yihiin falkan, nasiib darana uu ahaa gaari qof shacab ah uu lahaa in Ciidanka AMISOM ay jiirsiiyaan gawaaridooda dagaalka.
Waxay sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Taliska uu ku howlan yahay baaris dhab ah iyo sida ay wax u dhaceen, kadibna ay magdhow siin doonaan muwaadinkii lahaa gaariga, sida lagu xusay qoraalka.
Sidoo kale qoraalka AMISOM waxaa lagu sheegay in Ciidanka Midowga Afirka ay rajeynayaan in ay dib u xaqiijiyaan balanqaadka ay ku taageerayaan dadka Soomaaliyeed, dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida.
Ciidamada AMISOM ayaa si ula kac ah ugu tacadiya muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana soo laalaabtay in gaadiidkooda ay u adeegsadaan kuwa shacabka.
Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa wajiga ka dadbaneysa dhibta ay AMISOM ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

