Fiqi ” Waxaaa jira Shakhsiyaad Magaca Xukuumadda Soomaaliya ku Qaraabanaya oo xudun u ah qaska Galmudug”

Cadaado (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada dowlada Soomaaliya ee Cadaado u tagay inay badbaadiyaan Maamulka Galmudug ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuu wadahalka Cadaado ka socdo la doonayo in burburiyo.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay dhawr saac u fadhiyeen xallinta khilaafka Galmudug, wuxuuna sheegay inaysan ka quusan doonin inay xal keenaan.

Fiqi ayaa sheegay in dadaalkooda ay carqaladeyn ku wadaan Shakhsiyaad uu sheegay inay ku qaraabanayaan magaca Xukuumadda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka akhriso Hadalka Fiqi:

Waxaan saakay subaxnimadii illaa saacadan dhexda uga jirnaa kulamadii qeybaha kala duwan ee GALMUDUG, ee isugu jiray madaxda sare ee maamulka, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka. Waxaa dhammaan ka go’an in xal loo helo khilaafka jira iyo in wadahadal looga gudbo isafgaranwaaga ugubka ah.

Waxaaa jira shakhsiyaad magaca xukuumadda Soomaaliya ku qaraabanaya oo xudun u ah qaska GALMUDUG ka taagan, kuwaasoo ku fashilmay iska horkeenka bulshada GALMUDUG Balse wali aan quusan, ayadoo la isku afgartay in meelo looga soo wada jeesto fidno-wadayaashaas ka macaashaya burburinta GALMUDUG.