AMISOM oo fursad kale la siiyay xujana la hordhigay kaddib…

Muqdisho (Caasimada online) – Golaha amaanka ee qaramada Midoobay ayaa waqti kordhin kooban siiyay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, waxaana la gaarsiiyay ilaa sideeda Luulyo.

War qoraal ah oo kasoo baxay golaha amaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in la ansixiyay waqti kordhin kooban oo gaareysa ilaa bisha Luulyo ee sanadkaan, kadib qaraar ay soo diyaarisay dowlada UK.

Waqti kordhintan ayaa la doonayaa in lagu beego xiliga doorashada sanadkaan kadibna waqti kale fursad loo siiyo iney sii joogaan dalka Soomaaliya si ay u gurtaan dhaqaalaha Soomaaliya.

Qaraarkaan oo ay soo diyaarisay Britten tirsigiisana yahay 2289 ayaa loogu ogolaaday in AMISOM aysan ka badi karin askarteeda 22,0000 askari.

Qaraarkaan ayaa lagu adkeeyay in farqada 7-aad ee heshiiska QM in Soomaliya wali ay tahay meel aan xasilooni iyo amni ka jirin handaysana mida gobolka,waxana ay isku raacen golaha in ay sii wadaan mowqifkooda ay ku indha indhenaya xaalada Soomaliya.

AMISOM waxaa soo dhistay golaha nabadgalyada iyo amaanka ee taabacsan Midowga Africa 19-kii Janaayo 2007-di.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com