Ammaan-darrida iyo cabsida Nairobi ka jirta darteed oo QM ay go’aansatay in..

Ammaanka xafiidyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi ayaa la adkeeyay kaddib weerarro argagixiso oo ka dhacay caasimadda Kenya.

Agaasimaha Xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi Sahle-Work Zewde ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka xafiisyadooda oo ay ku jiraan xadeyn dheeraad ah oo lagu sameeyay gelitaanka xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi.

Waxay tilmaantay in sidoo kale la xaddidayo gelitaanka gawaarida ee xafiisyadaas.

Sahle ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha, hay’adaha iyo barnaamijyada ka howlgala xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi loo sameeyay gaadiid gaar ah, si loo muujiyo howlgal mideysan.

Maareeyeyaasha shaqada ee xafiisyada UN-ka ayay u soo jeedisay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala xafiisyada Nairobi la siiyo waqti ku habboon shaqada, xiriir joogto ah iyo in la tifaftiro shaqada la qabto toddobaadkiiba mar.

Sahle-Work ayaa xustay in Kenya ay ku soo badanayaan weerarrada argagixisada, kuwaas oo dhacayay bilooyinkii u dambeeyay.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 70 kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo Jimcihi lala beegsaday Bas ka mid ah kuwa dadweynaha iyo dukaan ku yaalla suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi.

Dowladaha Maraykanka,  Australia iyo Britain ayaa Khamiistii la soo dhaafay soo saaray digniin la xiriirta socdaallada lagu tago dalka Kenya, xilli dowladda Britain ay boqollaal qof oo dalxiiseyaal ah oo u dhashay waddankeeda u sheegtay in laga daad-gureyn doono magaalada xeebta ah ee Mombasa kaddib markii ay soo baxeen hanjabaado la xiriira weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.