Xildhibaan ka shifay kulankii ka dhacay Hotel Jazeera iyo cidda ka qeybgashay oo saxda ah (Maxaa lagaa qariyey?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la ogaaday tirade saxda ah xildhibaannadii shaley ku shiray Hotel Jazeera ee dhahay waxaan ka laabanay baaq ay horrey u soo saareen xildhibaanno kor u dhaafaya 100 kuwaasoo madaxweynaha ka codsaday in uu is-casilo.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanayare) oo la sheegay in uu ka mid ahaa xildhibannada ku shiray Hotel Jazeera ayaa beeniyay in uu ka qeybgalay kulankaas isla markaana ay joogeyn 115-kii xildhibaan ee shantii bishan madaxweynaha ka codsaday in uu is casilo.

Wuxuu sheegay xildhibaannada shiray in ay u badan yihiin wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno oo waxa ay ilaal sanayaan kursigooda ayuu yiri.

“Xildhibaannada ku shiray Hotel Jazeera waan ognahay oo 58 mudane oo 33 ka mid ah ay yihiin wasiiro mana ku jiraan 115-kii xildhibaan ee soo saaray warqadda Baaqa, ee dadka yaan been loo sheegin” ayuu yiri xildhibaan Sanyare.

Xildhibaannka wuxuu kaloo sheegay in aysan ka laaban go’aankooda ah in uu madaxweynaha is casilo isagoona muujiyay in aysan jirin cid ka hor imaan karta rabitaankooda.

Waxaa muuqata khilaaf iyo is xulufeysi ka dhex billowday baarlamaanka Soomaaliya,waxaana muuqata in madaxweynaha uu helay taageero badan oo ku aadan baarlamaanka kuwaasoo hadda labo ukala jabsan.

Tan iyo markii ay soo baxeen in madaxweynaha lagu kacsan yahay, waxaa magaalada ka billaabatay olole ay wadeyn Damjadiid iyo xildhibaanno dhaqaale doon ah kuwaasoo rabay in madaxweynaha uu badbaado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com