XOG: Sida XASAN SH. uu ku qanciyey xildhibaanada iyo arrin muujisay ceeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ku shiray sida la sheegay 130 xildhibaan kuwaasoo sheegay in ay taageersan yihiin madaxweynaha kana soo horjeedaan dalabka qaar ka mid ah xildhibaannada u soo jeediyeen in uu is casilo.

Tiradaas oo dadka qaar ay sheegeen in xittaa 100 aysan dhameyn xildhibaanada, ayaa haddana Go’aanka xidhibaanada waxa uu yimid, kadib markii madaxweynaha iyo kooxdiisa Dam-Jadiid ay dadaal dheer oo qarash badan uu ku baxay ay sameeyeen, si ay u qanciyaan xildhibaanada.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeeera, ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ku saxiixnaa baaq shantii bishan ay soo saareyn xildhibaano tiradooda lagu sheegay 129 kuwaasoo madaxweynaha ka dalbaday in uu is casilo maadama uu ku fashilmay sidda ay yiraahdeen wax yaabii laga rabay in uu qabto labadii sanno ee la soo dhaafay.

Xildhibannadaas waxaa ka mid ah Prof Maxamed Cumar Dalxa,Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare),Cabdiraxmaan Xaaji Ibbi iyo Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax,waxaana ay ugu horeeyeen xildhibaannadii madaxweynaha ka dalbaday in uu is casilo, waxa ay goobta ka sheegeen in ay ka laabteyn go’aankooda isla markaana ay doonayaan in uu madaxweynaha sii wado shaqadiisa.

Waxa ay sheegeyn oo kale in uu madaxweynaha qaldami karo oo bini’aadin yahay iyagoona intaas ku daray in uu madaxweynaha mudan yahay in la siiyo fursad si uu dimuquraadiyad iyo nabad u gaarsiin lahaa dalka ilaa 2016-ka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xildhibaankiiba lagu qanciyey lacag gaareysa 20 kun oo dollar, oo laaluush  ah si ay u joojiyaan mucaaradnimadooda.

Go’aanka ay xildhibaanada ku tunaasuleen, ayaa yimid maalin kadib markii ay Caasimada Online shaacisay in madaxweynaha uu nin ina-adeerkiisa ah u magacaabay xil uu ka qaaday nin kasoo jeeda beelaha laga tira badan yahay  Halkan ka aqri

Taasi ayaa mar kale caddeysay caddaalad darrada iyo eexda Xasan Sheekh, waxaana go’aanka xildhibaanada uu muujinayaa inuusan ku saleysneyn dal wax u qabasho balse ay doonayeen un lacag.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com