Xasan Sh oo aqoonsaday maamulka 6-da gobal ee Madoobe Nuunow (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online)- Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweynaha Soomaaliya uu aqoonsaday maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, kaasoo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Beydhabo.

Ilo wareedyo kala duwan oo la hadlay Caasimada Online, ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha uu la kulmay Madoobe Nuunow Maxamed iyo Maxamed Cabdikaliil oo madaxweyne iyo ku-xigeen u ah maamulkaas.

Kulankaas oo ka dhacay Villa Somalia, waxaa sabab u ahaa in uu dhac xildhibaanno madaxweynaha u ballan qaaday in ay ka laaban doonaan baaqa ay soo saareyn ee ah inuu is casili balse waxaa madaxweynaha shuruud looga dhigay in uu aqoonsado maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ma rabin maamulkan lixda gobal, balse cadaadis kaga yimid xildhibaanno ku kacsan ayuu u oggolaaday, balse waa culeys kale oo madaxweynaha ku soo furmay.

Maamulkan lixda gobal waxaa ka mid ah deegannada uu sheegto Jubbooyinka iyo Gedo oo uu ka dhisan yahay maamul KMG ah oo dowladda aqoonsatay.

Madoobe Nuunow iyo Maxamed Cabdikaliil waxa ay horrey kulan ula qaateyn ra’iisal wasaaraha balse kulankaas wax natiijo ah kama soo bixin.

Sidoo kale waxaa magaalada Beydhabo ka dhisan maamul seddax gobal kaasoo dowladda ay taageersan tahay.

Haddii warkan uu xaqiiqo noqdo waxaa muuqata in dowladda Xasan Sheekh ay lugaha la gashay arrin dhibaato u horseedi doonta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com