Siyaasad & dhaqan isku dhiban: Oday-dii iska hadlay & maamulkii eedoobay

Tan iyo markii ay is qoorqooraysteen Soomaalida & waxa aanu siyaasad u fahamnay, balse ah qabyaalad dhar huudhay ah loo xiray wuxuu xaalkeennu iska ahaa kacaa kuf, karaamo la’aan iyo kala shaki dhexdeenna ah.

Taasna waxaa keenay isku walaaqitaanka arrimihii reeraha oo iyagu aalaaba ku salaysan aragti gaaban oo aan dhaafsiisnayn danaha reerka iyo ceelka ay ciddu cabto ayaa waxaa usoo shaqa tegey nin isku sheegaya inuu ka shaqaynayo danta beesha iyo beesha oo iyadoo aan hadalkiisa u bandhigin waaqaca muuqda ee jira iyo sida ay cadaalad u tahay in umaddii kale ee Islaamka ahayd ee Soomaaliyeed laga sad bursado iska xambaarsada waxa uu been hawaaskan dabadhikifki ugu sheekeeyay, kaasoo sida la hubo aan beelna waxba ugu maqnayn.

Haatan oo aan taagannahay nus-qarni wax ka badan oo aan haysanno xornimo-beenaadkii naloo idmay 1960-kii Somalia waxay taagan tahay meeshii ugu liidatay ee ay abid ku arki lahayd xitaa riyada nooceeda calwasaadka (nightmare) la yiraahdo.

Dhibaataduna maaha oo qura maqnaanta hannaan dhexe oo caqli & cilmi, xikmad & xeerin ku dhisaalan oo umadda isu duma, balse waa inay ku dhowaad wada baaba’een tiirarkii bulshada sida horseedkii (elites) oo si uun ula kala safan safafka sumaysan ee is diiddan maadaama uu saameeyay sabaadka Somalia.

Waxyaabaha aan inta badan ka badbaadin ama haddii ay ka badbaadeen aan doorkoodii qaadanin waxaa ka mid ah aqoon yahan oo isu bedeley agoon-yahan, oday dhaqameedyadii oo ay qaarkood noqdeen oday-doqomeedyo, xildhibaannadii oo isu bedeley xil-dhuuqaanno iyo indheer garadkii oo haatan ah indaran-garad.

Dabaaldeggii 18-ka Maajo oo ku began maalintii ay Somaliland sheegatay inay ka go’day Somalia inteeda kale ayaa waxaa kasoo korortay dhacdo ugub ah.

Waloow aan laftayduba maamulkaasi ugu hambalyaynayo nidaamka iyo isfahamka ay ku dhaliyeen nabadda ay haystaan, misana waxaa qof kasta oo waxgarad ah oo meel dheer ka fikirayaa uu ogsoon yahay in Soomaaliyi ay hilib geed saaran oo halis u bandhigan noqon doonto maalinta ay u kala googo’da imaarado yar yar sida uu cadowgu jecel yahay, balse ah cashar aysan fahamsanayn dadka oo cajalad cidaysi ah lakala geliyay.

Waxaa hadaba jiray odayaal sheegay inay kasoo baqooleen magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia kuwaasoo aysan dad badan oo Soomaaliyeed aysan fahmin ujeedka ay lahaayeen, cidda soo dirsatay, sababta loosoo diray, inay iskood iskaga socdeen, in Hargaysa casuuntay iyo waxa ay soo kordhin lahaayeen intaba!

KHALAD DHAQANKII LAGA GALAY!

Si kastaba ha ahaatee, odayadii oo ay intoodii waawaynayd mar sii horraysay dib ugusoo laabteen Muqdisho waxaa ka haray goosin sii joogtay magaalada Hargaysa, halkaasoo uu ka dhacay 2 khalad oo ay labada dhinac sameeyeen oo midna laga galay siyaasadda midna dhaqanka laga galay, kadib markii la isku walaaqay.

Midka dhaqanka haddii aan ku horreeyo tan iyo maalintii ay odayadu Hargaysa tageen, waloow ayba ahayd inay ka cudur daartaan la kulanka dhinacyada siyaasadda, waxay la kulmeen xisbiyadda siyaasadda iyo maamulka Siilaanyo.

Balse markii aad eegto mid ka mid ah kulamadaasi sida midkii UCID oo ay saxaafaddu joogtay iyo erayadii odayada loo jeedinayay, waxaad moodaysay in odayada oo sida muuqata cid ay metelaan aysan jirin xitaa lagu xushmayn waayay inay yihiin odayaal dhaqameed marti ah oo mudan in intaa lagu qadariyo haddii wax kale la waayo, axsaabta mucaaradka ah oo imaanshiyaha odayada hadaf siyaasadeed ka baarayay ayay qaarkood xitaa soo jeediyeen in si dhaqse ah ”dalka” looga eryo taasoo kasoo horjeedda dhaqanka iyo caadada suubban ee Soomaaliyeed.

In imaatinka odayadan kaar siyaasadeed loo adeegsado  halkaasi kuma harin oo odayadii waxaa lagu cadaadiyay inay kasoo qaybgalaan ‘xuska’ 18-ka May oo ah maalin ka horjeedda midnimada umadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed, iyadoo ay dad badan oo dhaqanka Soomaaliyeed u dhuun daloola ay dareensan yihiin inuu maamulku ku fududaaday arrintaasi 2 sababood midoodba:

1 – Waa mare odayadani saamayn siyaasi ah kolleeyba malaha, go’aan siyaasi ahna ma gaari karaan, oo haddii ay xitaa yiraahdaan Somaliland baan aqoonsanaynaa meel ay ka socodsiin karaani majirto oo ma laha sharciyad siyaasadeed oo taa u saamaxaysa.

2 –  Marka 2-aad sida ay sheegteen waa oday dhaqameedyo sidaa daraadeed waxay ahayd in lagu ixtiraamo arrintaasi oo uun lagala hadlo wixii dhaqan khuseeya ee aan loo yeerinin waxyaabo iyaga ka waawayn ama aysan waxba ka bedeli karin.

KHALAD SIYAASADDII LAGA GALAY!

Haddii aan usoo dego khaladka ay siyaasadda ka galeen odayadu waxay ahayd inay qaarkood sheegeen inay aqoonsadeen Somaliland oo ay dowlad madax bannaan ka dhigeen, taasoo u muuqata riyo soo jeed ah, maadaama aysan jirin sabab u fasaxaysa iyo awood uu oday dhaqameed dal ku ictiraafo, muhiimaduna maaha ka hadlidda fikirkaaga ee waa inaad fiiro dheer u yeelataa waxa aad awood iyo sharciyad u leedahay iyo waxa aanad u lahayn (tusaale ahaan woqooyi waxaa buuxa dad doonaya midnimada Somalia, halka koofur laga heli karo haba yaraatee dad ogol inay Somaliland go’do).

Sidoo kale isku walaaqitaanka siyaasadda, dhaqanka iyo qabyaaladda waa sababta ugu ballaaran ee ay Soomaalidu ula jaanqaadi la’adahay hanaan dowli ah oo hufan.

‘’Anigoo reer hebel ah, oo reer hebel kasii ah waxaan aqoonsanayaa wadan hebel’’ waxaad is waydiin kartaa muhiimadda ay leedahay inuu qofku abtirsado hadiiba uu xubin ka yahay guurti dhan oo Soomaalida koofureed ka socota oo midaysan iyo waxa uu abtirsi soo kordhin lahaa maadaama uusan qofkani cidna wakiil ka ahayn – Illaa naftiisa mooyee?

Waa uun wax lagusii qaybinayo qooysaska Soomaaliyeed oo iyagoo aan ilaa maanta ogayn waxa ay rasmiyan kala qabaan misna kala qoqoban oo qabta uun isku haya, taasoo keentay in qoomam kale oo aysan qaraabo la ahayni u kala gar qaadayaan.

Dhanka kale magaalada CAABUDWAAQ oo dhacda qalbiga dalka Somalia, ahna magaalo lagu yaqaanno wadaniyad iyo Soomaali jacayl ayaa waxaa iyadna ka dhacday wax ay dad badani la yaabeen, kadib markii lagusoo bandhigay xidigtii madoobayd ee lagu diidanaa midnimada umadda Soomaaliyeed iyadoo weliba gawaari fara badan loosoo rigeeyay (xusuusnoow ma diidani horumarka gobolkaasi oo waa ku waajib qof kasta oo Soomaali ah inuu hambalyeeyo, balse midnimada ayaa ka caano badan kala go’itaanka).

Waxaan hadaba ka codsanaynaa dowladda Somalia inay maamulka Caabudwaaq arrintaas sharraxaad ka bixiya ku tiraahdo, waayo waa arrin halis ah in goob ku taalla bartamaha Somalia laga dhiirigeliyo kala go’itaanka umadda Soomaaliyeed.

GEBAGEBADII…

Waxaan usoo jeedinayaa umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan dadka waxgaradka ah in dalka laga badbaadiyo ceelka dheer ee ay Soomaalida lafteedu u qodayso iyadoo aan arkayo markii ugu horraysay taariikhda inay jiraan dad Soomaaliyeed oo nooc walba leh oo dagaal rasmi ah kusoo qaaday jiritaanka & wada jirka umadda Soomaaliyeed.

Waxaan arkayaa niman daba dhilif ah oo lagu geed qaadayo laguna qabsanayo Somalia, waxaan soo xusuustay khiyaanadii LAURENCE AL CARABI oo Carabtii markii hore ka raariday inay la dagaallamaan khilaafadii Cusmaaniyiinta si ay dowlad midaysan u dhistaan, balse markii dambe oo Turki baxay maxaa dhacay, in Carabtii la qabsado oo la adoonsado, in la qaybiyo, in FALASTIIN Yuhuud hadiyad ahaan loo siiyo iyo in la dilo aragti kasta oo qoowmi ah oo ay xitaa dib iskugu sheegan karaan.

Ujeedka cadowgu waa in marka hore Somalia loo kala jarjaro imaarado yaryar deetana la qabsado oo la qaybsado, haddii aan xitaa la qabsanina laga dhigto dalal yar oo aan tabar iyo talo lahayn oo loo taliyo (satellite states), dadoow aan ka hortagno caqliyadda haatan soo baxday ee oranaysa ”Inaan midnimo wanaag kula noolaado qof Soomaaliyeed waxaan ka xigaa ihaano iyo adoonsi aan u galo Kenya iyo Amxaaro”.

Midka reer hebel baa wax noqonaya cajalka lagu gelinayoow, midka yaysan reer hebel wax noqonin dagaal ugu jiroow, midka aad jeebka buuxsatid umadda u jikaarayoow, midka maalin qaad loo qaaday khalad taariikhi ah u gelayoow, midka kursi jacayl dalka u kala jarjarayoow, midka fikrad khaldan umaddii u qarxinayoow, ogoow Soomaalidu waa hal qoowmiyad oo ama way wada jiraysaa ama way wada jabaysaa ee dooro jidkii kuu jiscin roon.

Soomaalidu waa dad qura

Soowraca sinjigiyo afkaba

In kala soocsoocantiyo

Soohdimo kala celinaayiyo

Malaha waxay kala sitaan

XaajiWaxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: Maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid