SAWIRRO: Muungaab oo farxad geliyay qoys 23 sano laga haystay gurigooda

Todobaadyo kadib markii uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu ku dhawaqaaday In ay bilaabatay xiligii la isu celin lahaa hantida Maguurtada ah ee la kala haysto ayaa waxaa dib gurigeeda u heshay Hooyo Soomaaliyeed oo mudo 23 sano laga haystay gurigeeda.

Amarkan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Gen. Muungaab ayaa waxaa fulintiisa bilowday Maxkamadda Gobolka, iyadoo tallaabadii ugu horeysay lagu qaaday guri 23 sano xoog lagu haystay, kaasoo ku yaal degmada Heliwaa.hooyo-heshay-gurigeeda-1

Guddomiyaha degmada Hiliwaa Maxamed Axmed Xaashi  Qoslaaye iyo Taliyaha ciidanka Booliska degmada Gaashaanle Khaliif Ilkacase ayaa hoggaaminayay howlgalkaan dib loogu celinayay qoyska laga haystay guriga.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada  Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa dhawaan ku dhawaqaaday In muwaadin Soomaaliyeed aan si qasab ah looga heysan karin hantidiisa, isagoo ku dhawaaqay guddi u xilsaaran xalinta khilaafaadka dhulka ku saabsan.hooyo-heshay-gurigeeda-2hooyo-heshay-gurigeeda-3hooyo-heshay-gurigeeda-4hooyo-heshay-gurigeeda-5