Baydhabo (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in maanta magaaada laga sameeyay howgallo, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaraxyo ay ka dhici karaan.
Ammaanka magaalada ayaa loo adkeeyay, waxaana goobaha muhiimka la dhigay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.
Dhinaca kale, waxaa maanta Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo danjiraha dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan, halkaasoo uu wada-hadallo kula yeeshay dhinacyo kala duwan.
Neil Wigan ayaa la kulmay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Baay, kan degmada iyo odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay arrimaha ammaanka, gargaarka iyo shirarka hadda ka socda Baydhabo oo la sheegay in maamul goboleed lagu dhisayo.
Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Baay Cismaan Macallin Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay danjiraha ka codsadeen in gacan laga siiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Magaalada Baydhabo waxaa ka socda shir lagu dhisaayo maamul gobaleed ka kooban ilaa lix gobal oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho