26.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xog: Mucaaradka oo la shiraya Axmed Madoobe iyo Saciid Deni + Qorshaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan la qaban qaabinayo shir xasaasi ah oo ay yeelan doonaan xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland oo kasoo horjeeda dowladda dhexe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shir ka dhaca Nairobi, una dhexeeyay Axmed Madoobe iyo xubno kamid ah mucaaradka ayaa lagu go’aamiyay in dhinacyadan ay si deg-deg ah isugu yimaadaan, si looga tasho xaaladda cakiran ee dalka iyo khilaafka haatan taagan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in shirka mucaaradka iyo labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland uu dhici doono kahor 20 bishaan June, isla markaana uu ka qabsoomi doono magaalada Kismaayo amaba Garoowe oo ay isugu tegi doonaan dhinacyada ballamay.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Axmed Madoobe iyo Deni ay go’aan ka gaari doonaan maalinta rasmiga ah ee la qabanayo shirka iyo ajendaha guud ee looga hadlayo oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, is mariwaaga taagan iyo sida looga gudbi karo.

Kulankan ayaa ah mid liddi ku ah kan uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gogol u fidliyay mucaaradka iyo madax goboleedyada, taas oo la fuliyo inay qabsoonto wixii ka dambeeyay 15-ka June, iyada oo la tashi laga sameyn doono xaaladda guud ee dalka.

Mucaaradka ayaa horay Muqdisho ugu qabtay shirweyne ballaaran oo ay ku dhiseen madal ay ugu magac dareen Samatabixinta Soomaaliyeed, si ay ugu wajahayaan Villa Soomaaliya oo weli ku adkeysaneyso qorshaheeda ku aadan sidii dalka looga qaban lahaa qof iyo cod.

Dhaq-dhaqaaqa cusub ee mucaarada iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmo kahor Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay heshiis ku gaareen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kadib muddo ay kala maqnaayeen.

Labada hoggaamiye ayaa heshiis isfaham ah waxa ay ka gaareen khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Soomaaliya, kadib kulamo gaar ah oo ay ku yeesheen gudaha Imaaraadka, waxayna hadda ku ballameen in mar kale ay isla jaan-qaadaan, maadaama ay mar labaad isku keentay daruuf isku mid ah oo kasoo wajahday dhinaca dowladda dhexe.

Waxaa kale oo ay labada madaxweyne isku raaceen in ay xoojiyaan wada-shaqaynta labada maamul iyo in ay mowqif mideysan ka yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha’ahaatee, Waxaa heshiiskan dhex-dhexaadiyey dowladda Imaaraadka Carabta, oo indhowaanahan faro-gelin qaawan ka wadday gudaha Soomaaliya, taasi oo labada dhinac u sahleysa inay iska kaashadaan danaha Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News