25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Kufsiga Somalia iyo warbixin cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa warbixin ay soo saartay Jimcaha maanta ah, waxaa lagu sheegay in xeryaha ay deggan yihiin dadka soo barakacay ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay wajahaan tacadiyo dhinaca galmada ah iyo dhiibaateen loo geesto.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dumarka ku nool xeryaha kumeel gaarka ay cabsi soo wajahday maadama ay weli taagan yihiin xadgudubyada  ka dhanka ah dumarka.

Haweeney u qaabilsan hey’adda dhinaca la talinta dhinaca dhibaateenta  dumarka ayaa sheegtay in warbixinno iyo xog uruurin ay ka soo sameesay magaalada Muqdisho, ay muujinayaan tacadiyada dhinaca galmada ee ka jirra magaalada Muqdisho in uu baahay.

Amnesty International, waxa ay wareesatay gabar 13-jir ah, taasoo la sheegay in dhawaan la kufsaday, waxa ay hey’adda u sheegtay in dhaawac uu ka soo gaaray falkaas, waxana ay sheegtay in ay u geesteen rag ku labisan dharka ciidamada dowladda.

Hey’adda ayaa sheegtay in ay yertahay jawaabaha laga bixiyo tacadiyda dhinaca galmada ee loo geesto dumarka ku nool goobaha lagu soo barakacay, waanta tan sababtay in dumarka loo geesto falalkaas aysan ku wargalin booliska.

Hey’adda ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in amni darida ka jirta dalka iyo iyagoo aan heesan ciidamo waardiyeeya in dumarkaas lagu kufsado goobaha ay ku nool yihiin.

Amnesty International ayaa sheegtay in gabar 14-jir oo lagu kufsaday xerada ay ku noo shahay, uu hadda soo wajahay dhibaato badan, waayo gabadhan horrey ayey u qabtay xanuunka qalalka sida lagu sheegay warbixinta hey’adda.

Hey’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 7% falalka kufsiga ee ka dhaca goobaha xeryaha kumeel gaarka ee magaalada Muqdisho in ay geestaan rag la bisan dharka ciidamada.

Sannadkii la soo dhaafay 2012-ka waxaa Soomaaliya ka dhacay tacadiyada dhinaca galmada , waxaa lagu sheegay falalkaas in ay ku dhaw yihiin 18,000 oo ah kiisas kufsi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News