Sawirro: Diyaaraddii ugu weyneyd oo 20 sano kadib kasoo degtay Muqdisho

Diyaaradii ugu Weyneyd oo Xamuul Sida ayaa mudo 20 Sano ka dib Maanta ka Soo Degatay Garoonka Magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing 747 ayaa waxa y kireeysneeyd shirkad laga leeyahay dalka turkiga taasoo dhawaan la rajeeynayo inay si buuxdo ula wareegto gacan ku heynta iyo maareeynta howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada muqdisho.

Diyaaradan ayaa waxaa saarnaa tan dhan 70 mitirig tan oo ah qalabkii ay ku shaqeyn lahayd shirkada la wareegeeyso howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Mareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Inj Cali Maxamuud Ibraahim oo soo cagadhigashada diyaarada ee garoonka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku soo dagista diyaaradan xamuulka ah ee garoonka ay ahmiyad gaar ah ugu fadhiso dowlada soomaaliyaa,maadaama ay tahay markii u horeeysay mudo 20 sano ka badan oo diyaarad xamuul ah oo nuucaan oo kale ah ay ku soo degato garoonka magaalada muqdisho.

Inj Cali Maxamuud  Ibraahim ayaa sheegay in ay walwal ka qabeen sida ay diyaaradan ku soo cagadhigan karto garoonka Aadan cadde,isagoo sheegay in si looga gaashaanto qatarro lagala kulmi karay Runweyga garoonka ay sameeyeen dadaalo iyo khibrado looga hor tagi karo hadii uu qaladaad dhaco.

Inj Cali Maxamuud ayaa intaasi ku daray In mudo aan dayactir lagu sameeyn laamiga ay ka haadaan ama ku soo degtaan diyaaradaha,iyadoo  marka la eego culeyska soo degashada iyo kicitaanka diyaaradana uu yahay mid aad u balaaran.

Inj Cali ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dayactir garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde looga sameeyo dhinacyo badan oo ay ka mid tahay baaxada Parkingka diyaaradaha,isagoo xusay in garoonka uu maalin kasta sameeyo duulimaadyo u dhaxeeya 50 ilaa 70 duulimaad.

diy 1diy 2diy 3diy 4diy 5diy 6

 

Isha: Radio Muqdisho