DFS oo dusha loo saaray eedeyn la xiriirta 300,000 oo qof oo la sheegay…

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa warbixin dheer oo ay saartay Jimcaha maanta waxa ay uga hadashay, barakicin dowladda ay ka wado magaalada Muqdisho.

Hey’adda ayaa dowladda fedaraalka Soomaaliya ku eedeesay in ka badan 300,000 oo qof oo ah shacab in ay ka barakicisay caasimada Soomaaliya, kuwaasoo ku noolaa dhismooyin dowladda ay lahayd iyo goobo kale.

Amnesty Intentional, ayaa wareesatay qaar ka mid ah dadkaas oo markii hore ka soo cararay dagaaladii sokeeye iyo abaaro is xig-xiga oo ku dhuftay deeganadii ayku noo laayeen, kuwaasoo soo ciirsaday caasimada Muqdisho.

Hey’addu dadka ay wareesatay waxaa ku jirta haweeney 60-jir ah, taasoo iyadoo ku maqan gurigeedii la burburiyay dabadeedna wixii alaab iyo agab kale ee yaalay bannaanka looga soo daadiyay.

Haweeneyda ayaa sheegtay iyadoo ku sugan Suuqa Bakaaraha lagu soo wargaliyay in reerkii la barakiciyay oo alaabta bannaanka loo keenay, markaan imid goobta waxaan ku arkay ayey tiri wax aad looga naxo.

Hey’adda ayaa sidoo kale soo qaaday dhacdo 14-kii bishii August ee sannadkan ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo ahayd markii askarta dowladda ay dileen oo rasaas ay la dhaceen haweeney iyo ilmo yer kuwaasoo bannaan bax nabadeed oo ay uga soo horjeedaan tallaabada dowladda ka dhigayay fagaaraha Tarabuunka ee degmada Hodan.

Amnesty Intentional, waxa ay sheegtay in dadkaas ay ku codsadeen dowladda in ay dajiso goobo kale.

Ugu dambeentii warbixinta Amnesty Intentiona, ayaa lagu sheegay in dowladda ay joojiso barakicinta ay ka wado caasimada isla markaana dadka la qixinayo la dajiyo goobo ammaan ah oo ay ku qanacsan yihin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairob