Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay.
Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Saddexda marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Axmed Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Anwar), Xamsa Jeylaani Cabdulllahi oo Al-Shabaab looga dhex yaqiinay (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen oo isna loo yaqaanay (Garaad), waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.
Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.
Dhammaan ragga la dilay ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.
Anwar, Xamsa iyo Garaad ayaa saddexduba lagu helay inay horay dilal qorsheysan iyo qarxayo uga gaysteen magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolka Shabeellaha Hoose.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidana oo kale loo toogtay Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka), kuwaas oo iyana ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna helay dilal iyo qaraxyo ay gaysteen.
Maxkamadda Ciidamada ayaa dhawaan shaacisay inay dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.